Muxuu Madaxweyne Saylici kala soo laabtay Shirkii Imaaraadka Carabta?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal todobaad qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabbta halkaas oo uu kaga qaybgalay shir caalami ah oo lagaga hadlayay maalgeshiga Afrikada galbeed.

saylici111Md Saylici oo ay wehelinayaan Wasiirul-dawalaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Marwada Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka mid ah Goleyaasha Sharci-dejinta iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu tilmaamay in shirkaasi uu kaga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo waxa ay hiigsanayso, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka qaybgalay shir lagaga hadlayay maalgeshiga oo loo qaban-qaabiyay 8 dal oo Afrikada galbeed oo ay ka soo qaybgaleen madaxweyneyaashoodii iyo Wasiirro ka socday, waxaana iskugu yimi shirkaas maalgashadayaal faro badan oo maalgeliya Afrika sida macdanaha, shidaallada, dhismeyaasha, waddooyinka, dekedaha iyo madaarada.”

“Annagana shirkaas waxa na loogu casuumay goob joogeyaal ahaan, si aada ayaanu uga faa’iidsanay, shirkaasina waxa uu socday ilaa muddo 14 saacaddood, waxaanu halkaasi ka gudbinay farriinteena dhabta ah xaaladda ay Somaliland marayso iyo halka ay marayso iyo waxa ay hiigsanayso, waxaananu la kulanay madaxdii shirkaasi ka soo qaybgashay intii noo suurogashay,” ayuu yidhi Md Saylici.

SOMALILANDPOST.NET