Muxuu ku Saabsan Yahay Shirka Safiirrada Somaliland ee Berri Hargeysa Ka Furmayaa?

Dr Sacad Cali Shire

 

Hargeysa(SLpost)- Shirkii u horeeyay ee ay ku kulmaan safiirada Somaliland u jooga dalalka dibadda ayaa bari la filayaa inuu ka furmo magaalada Hargeysa kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay isugu yeedhay. Warsaxaafadeed lagu shaaciyay shirka ayay wasaaradda khaarajigu ku sheegtay in Somaliland ku taalo gobol ammaan darro saamaysay, islamarkaana Somaliland oo la gacan qabtaa door muhiim ah ka qaadan karto horumarintiisa.

Shirka danjireyaasha Somaliland ayaa ujeedkiisu yahay dib u eegista siyaasadda khaarajiga iyo dardar galinta citiraaf Somaliland ka hesho dunida. Waxa dib loo eegi doonaa diblamaasiyadda Somaliland dunida kula macaamisho ee ku saabsan habka citiraaf raadinta “Shirkani taariikhi ayuu u yahay Somaliland, si loo riixo citiraafka iyo si loo gabogabeeyo qaab-dhismeedka siyaasadda arrimaha dibadda,”ayuu ku yidhi wasiirka khaarajigu warsaxaafadeed, isagoo intaasi raaciyay in dhammaan wakiillada Somaliland u joogaan sidii loo dardar galin lahaa siyaasadda citiraaf raadinta.

Warsaxaafadeedka wasaaradda khaarajiga ayaa lagu sheegay in shirka oo soconaya muddo 5 cisho ah danjireyaasha lagu baraarujin doono borotokoolka aasaasiga ah ee diblamaasiyadda iyo la macaamilka saxaafadda, si loo dardar galiyo qaddiyadda Somaliland ku raadinayso citiraaf caalami ah. Kulanka ayaa sidoo kale noqonaya fursad lagu lafo guro sidii loo gunaanadi lahaa siyaasadda arrimaha dibada Somaliland. Natiijada kulankan ayaa la rumaysan yahay inay si buuxda albaabka ugu furi doonto in hay’addaha maaliyadeed ee caalamiga ahi maalgalin horumarineed Somaliland ka fuliyaan.

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland