Muxuu Komishanka Doorashooyinka Somaliland ka yidhi Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ku kala diray?

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay qoraal la sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo ku kala diray, ka dib markii muddo-xileedkii ay hayeen dhammaaday.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Md Maxamed Xirsi Geelle, ayaa sheegay inay ka war-hayaan wargelin loogu gudbiyey Golaha Guurtida iyo Axsaabta Mucaaradka ah inay soo magacawdaan u metalaysa Guddida doorashada oo wakhtigoodu ku eg-yahay dhammaadka October ee sannadkan, haseyeeshee waxa uu sheegay inaanay jirin waraaq madaxweyne kaga hadlayo muddo-xileedkooda oo iyaga soo gaadhay, wakhtiganna ay guddi ahaan hawshooda sii wataan.

“Marka la arkay wakhtigii oo dhamaaday,talada guud ee asxaabta mucaaradka, xukuumadda iyo qadhaan bixiyayaashuba is waydiiyeen waxa ay ahayd,in mudo ka hor komiishan la magacaabo ama iyagiiba la daayo, taas ayay taladii noqotay,taas oo markii danbe go’aan madaxwaynaha somaliland ka gaadhay. Markaas warqada uu madaxwaynaha Somaliland soo saaray ee uu u qoray Dadkii soo magacaabayay Komiishanka, taasay ahayd laakiin anaga warqad nalagu kala diray habayaratee ma jirto,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo maanta warbaahinta qaarkeed ugu warramay Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan u diray Warqad uu ku socodsiiyey labada xisbi mucaarad oo sharcigu u oggol yahay midkiiba inuu hal xubin ku yeesho Komishanka Doorashooyinka, inay diyaaariyaan xubnaha ay ku beddelayaan guddiga wakhtigu ka dhammaaday.

Golaha guurtida Somaliland, ayaa iyaguna laba xubnood oo ay ka soo xulaan bulshada qaybaheeda kala duwan u magacaaba Komishanka halka saddexda soo hadhayna uu madaxweynuhu magacaabo.

Xubnaha wakhtigoodu dhammaaday, ayaa muddadii shanta sanno ee ay xilalka hayeen, waxa ay dalka ka qabteen doorashooyinka Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii ka dhacay dalka iyo doorashadii goleyaasha deegaanka ee muranka dhalisay oo dalka ka qabsoontay dabayaaqada sannadkii 2012-kii.

SOMALILANDPOST.NET