Muxuu Guddoomiye Cirro ka yidhi Inuu Golaha Guurtida u gudbiyey Sixitaan uu ku sameeyey khaladaad ku jira Xeerka Diiwaangelint a?

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay jiritaanka warar laga helay golaha Guurtida oo sheegaya inuu dib u saxay qaladaad ku jira Xeerka Diiwaangelinta ee uu hore ugu gudbiyey Guurtida, kaas oo muran siyaasadeed ka dhex-dhaliyey golayaasha Qaranka.

Guddoomiye Cirro waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaas oo baanta lagu baahiyey saxaafadda Maxalliga ah, waxaanu sheegay inaanay jirin waraaq ka dambaysay Jawaabta qoraal guddoomiyaha Guurtidu hore kaga dalbaday dib u sixidda ilaa waktigaasna aanay wax qoraal is-weydaarsan golayaasha Sharci-dejintu, ilaa wakhtiganna uu xeerkaasi horyaallo Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda oo maanta warbaahinta kula hadlay Xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ee magaaladda Hargaysa, waxa uu tilmaamay isaga oo dhowraya wada-shaqaynta ka dhexaysa Guddoomiye Saleebana-Gaal uga jawaabay oo keliya waraaqdii uu hore kaga dalbaday sixitaanka.

HALKAN KA DAAWO