Muxuu Guddoomiye Cirro ka yidhi Heshiiska Doorashooyinka laga gaadhay iyo Xiisada ka taagan gobolka Sanaag?

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay heshiis maanta saddexda xisbiga Qaran iyo Xukuumaddu ka gaadheen khilaaf muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka, kaas oo si wada-jir ah maanta soo loo af-jaray.

 

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sanaag oo isku dhac ku dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo maleeshiyada uu wato Korneyl Caare, waxaanu guddoomiyuhu ku baaqay in si wada-jir ah looga wada-shaqeeya xalinta khilaafka jira isla markaana la soo af-jaro xaaladda dhinaca nabadgelyada ee ka jirta gobolka Sanaag.