Muxuu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ka yidhi Imaanshiyaha Farmaajo ee Hargeysa?

 

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya in badan ku celceliyey inuu Hargeysa imanayo isagoo uu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, balse aanay dawladda Somaliland diidan tahay.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xusay in madaxweyne Biixi mar walba ku celinayey inaanu Madaxweyne Farmaajo soo raacin haddii uu Hargeysa imanayo Mr Abiy, balse si kasta oo loogu sheegay uu ka dhego-adaygay doonayana inuu soo raaco Farmaajo.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose