Muxuu Golaha Guurtidu Uga Indho-saabtay Khilaafka Heerkii Ugu Sareeyay Maraya Ee Xisbiyada Siyaasadda?

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland waxa kala irdheeyay khilaaf riiq dheeraaday oo soo taagna 13-kii bilood ee u dambeeyay. Khilaafka waxa udub dhexaad u ah kala dirista Komishanka doorashooyinka iyo in ay noqdaan guddi xisbiyadu ku leeyihiin tiro siman. Inkasta oo ay jiraan culaysyo ka imanaya beesha Caalamka oo doonaya in xisbiyadu isu tanaasulaan, inkasta oo waxgarad, ururo bulsho iyo madaxweyne xigeennadii hore ee dalka oo mar is xil qaamay arrinta ku guuldarraysteen waxaan wali arrintan dhex gelin Golaha Guurtida Somaliland oo lagu yaqaanay marjaca Somaliland isula noqoto marka ay arrimuhu murgaan.

Bishii ina dhaaftay ayey dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka ay ku cadaadiyeen saddex-da Xisbi  inay wada haddalada soo celiyaan oo ay ka heshiyaan waxay isku khilaafsan yihiin, walow ay canaantaa beesha caalamka ugu timi awgeed u bilaabeen wada haddaladii dib  saddex-da Xisbi, balse maal-mo ka dib haddana wey burbureen , waxaanay sheegeen inay ku heshiin wayaan iyagoo qolaba qolo ku eedaysay inay tahay in aanay heshiiska ogolayn

 

Geesta kalene dhawr cisho ka dib waxa war-murtiyeed iyo go’aamo soo saaray isbahaysiga Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanay soo bandhigeen qodobo ay ku heshiiyeen, iyagoo sidoo kale kullan al-baabadu u xidhanayeen ay la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

 

Sidoo kale Xisbiga WADDANI ayaa heshiiska KULMIYE iyo UCID ku sheegay mid anbad ah, isla markaana aan soconayn, waxaanu yidhi Guddoomiye Cirro oo arrintaasi ka hadlaya “Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqaya, walaalayaal xukuumaddii aynu dooranay waad aragtaan, labadii xisbina waynu aragnaa, in ay ambadeena waynu aragnaa, Aadan Carab baa tilmaamay dadka ambada oo wuxuu yidhi ‘Nin Ambaday Halkuu aaday way ula eekaatay, anigoo arkaayaan waddadii Eerigo maray’ waxaan leeyahay labada xisbi iyagoo arkayay wadadii Eerigoo Mareen. Somaliland waa la wada leeyahay, taladeeda waa la wada leeyahay, cid gaar u tashan karta ma jirto. Go’aankooda marnaba kumay xusin caqabadihii doorashada hor taagna iyo sida loo qaadayo, waxaa is waydiin leh waxay yidhaahdeen ‘Komishanku ha joogo ilaa 29-ka November’ waxay yidhaahdeen ‘Ogos baanu soo jeedinay in la magacaabo Komishankii cusba’ Maxaa u diidaya in May la magacaabo? Maxaa u diidaya in June la magacaabo? Sharciga kaa u ogolaaday muxuu kan ugu diidan yahay? Haddii doorasho la doonayo talo ha la isugu yimaaddo, doorashadii diyaar baanu u nahay, shacbiga Somaliland na waxaan ku dardaaraya maaddaama aynu aragno xukuumaddii iyo taladeedii, maaddaama aynu aragno labadii xisbi iyo taladoodii midnimadeenu waa muhiim, wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha ina haysta ee inagu gadaaman waxaynu kaga bixi karayna midnimo, Somaliland hadday wada hadli kari waydo oo Axsaabtu wada hadli kari waydo Soomaaliya sidee bay ula hadlaysa? Bal idinku is waydiiya?..”

Dhanka kalene khilaafkaa soo jiitamay ee Xisbiyada Qaranka Somaliland u dhaxeeya  ayaa u muuqda hadda mid cirka isku sii shareeraya, kaasi oo ay gaas ku sii shubeen go’aamada iyo heshiis-yada ay sheegeen inay galeen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxaana laga cabsi qabaa  in khilaafkaasi uu dib u dhigi karro doorashada mudaysan ee ay lixda biilood ee qudhi ka hadheen.

 

Qaar kamid ah culimada waa weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbadii saalada jimcaha kaga hadlay khilaafka saddex-da xisbi Qaran , waxaanay sheegeen in loo baahan-yahay mar haddii ay xisbiyadddii heshiin waayeen dhex-doodii in culimada iyo wax-garadka reer Somaliland ay dhex-galaan, isla markaana la xaliyo murankaas, waxaanay ugu baaqeen saddex-da xisbi inay u tudhaan shacabigood oo ay joojiyaan haddalada xanafta leh.

 

Docda kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa sida looga bartay ah kuwo inta badan ka shaqeeya arrimaha nabada iyo wada jirka iyo midnimada Shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo inta badan xalliya ismaandhaafka beelaha ,muranada siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, haseyeeshee hadda ayey u muuqdaan kuwo si toos ah uga muquurtay xallinta khilaafkan soo jiitamay mudada ee u dhaxeeya Xisbiyadda Qaranka Somaliland, waxaanay goobaha lagu faaqido siyaasada la isku weydiinayaa sababta ay odayaasha golaha guurtidu u soo dhex-geli wayeen ee ay dhinac-ayada u heshiisiin waayeen.

 

Golaha guurtida oo xaliyey murano siyaasadeed-yo badan oo dalkan soo maray,kuwaas oo ugu dambeeyeen heshiisiintii ay ka dhex-dhaliyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyihii KULMIYE ee wakhtigaasi Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo uu dhex-maray is maandhaaf sanadkii 2014-kii, balse golaha guurtida Somaliland ayaa u guntaday, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi kala dhex-dhigay heshiis midho dhalay.

 

Madaxweyne Biixi ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Golaha Guurtida oo uu ku dhalliilay wakhtiga dheer ee ay fadhiyeen. Inkasta oo aanu arrintan si toos ah uga jawaabin guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa jiray xildhibaanno madaxweynaha ugu baaqay in uu ka waantoobo dhalliillidda golaha.

 

Ugu dambeyna waxa la is waydiinaya sababta Guurtidu doorkooda uga qaadan wayday arrintan culayskeeda leh oo hadda taaggan in beesha caalamku xidhiidhka u jirto Somaliland haddii la xallin waayo khilaafkan sababna uu u noqdo dib dhac doorashada soo socota. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay arrintan keentay Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan oo aan isku san bannaanayn.

 

Xigasho: Waaberi