Muwaadinnimo mise…….?

 

Muwaaddin – Kelmad aynu afka ka nidhaahno laakiin aan uurkeenna gaadhsiisnayn. Muwaadinnimadu waa dareen dhab ah oo qofka laabtiisa ku jirta, waa damiirkaaga oo hoos kuula

hadla kuuna sheega ‘dalkan adigaa leh ee hadimada ka dhawr, adigaa leh ee beero, adigaa leh ee wanaajiso’. Wadaniyaddu waa adigoo bacda yar ee foolxumaynaysa ka qaada waddada, waa adiga oo aan ku tuurin dariiqa caagada aad wax ka cabto, waa adiga oo dariiqa xaadha si mutadawacnimo ah, waa adiga oo ku caawiya dawladda hoose hawshay ka hayso magaaladaada. Waa adigoon uskaga kusoo dayn dariiqyada dadku marayo, waa innaga oo meelaha biyuhu fadhiistaan xilliga roobabka iska awdna. Haa, waa waxaas oo dhan iyo wax kaloo badan oo aynaan dhamayn karin. Balse taa beddelkeeda innagu waxaynu samayno u fiirso, markasta oo roob ina helo.

Dadkeenu qashinka guryaha ayay soo raaciyaan biyaha yaree hormaraya kama fikiraan in iniba meel ku hadhayso oo ay deegaankii wasakhaynayaan, bal wakhti uu roobku ka qaaday magaalada aad degentahay soo bax oo wadooyinka soo mar waxa qashin urursan yaalla. Markaynu aragno eedda dawladaha hoose ayaynu dusha uga tuurnaa laakiin dhab ahaantii innagaa leh. Muddo yar kadib ayay xanuuno dillaacaan, qayladaa yeedha, cusbataalladaa buuxsama markaasaan nidhaahnaa shuban biyoodbaa dilaacay, ismana waydiinno sababta markasta wakhtiga roobka xanuunkani u dhacaa waa maxay? Hadda waa adiga iyo aniga waxa waxaas oo dhan u sabab ah. Qashinkii aynu daadka soo raacinnay ayuu ka dhashay ama biyihii meelahaa inoo dhaw iyagoo madoobaaday fadhiisanayay ayuu ka dhashay.

Wixii kaa dhinta iyo wixii aad la rafaadoba sababtu waa adiga, meel fogba ha eegin. Innagaan deegaankeenna dhawran markaasaynu cid kale oo aynaan garanayn meel ay inooga imanayso ku hallaynaa. Kaaga darane markaas baynu ku hadalnaa luuqad adag: ‘dhaslaantu (dust land) wax la joogo maaha’ Waa Adiga cidda dhaska ka dhigtay ee kadaa. Muwaadinnimada waxaan u naqaan u dabbaal-dagga maalinta 18 May iyo inaan budhka qaadanno haddii Soomaaliland wax laga sheego, bes. Ka intaa sameeya cidi kama sarrayso. In muwaadinnimo la innagu shubaa fiicnaan lahayd hadii la isku shubi karo ilayn noqon kari waynee.

Alle ha ina garansiiyo wanaagga dalka iyo deegaankeennaba.

Farax Xaaji Cismaan