Muwaadinka Xoriyadda Laga Qaaday, Ma Helaa Xuquuqda Dastuurkiisu Siiyay? – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

Garyaqaan MuuseMas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.

 ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.

 

Meel kasta oo dunida bulsho degan tahay, Waxaa ka jira shuruuc iyo xeerar kala haga oo ay ku kala baxaan marka wax dhax maraan, Shuruucdaasi waxay badanka salka ku hayaan waxa ay aaminsan yihiin ee u ah dhaqan ama diin iyo wixii ay barto bey’ada ay ku noolyihiin, Shuruucdaas ku dhaqankooda iyo ku dhaqista bulshada waxa uga masuul ah Cida maamulka uhaysa Sida Maamul dawliya, Hogaamiye dhaqameed, Hogaamiye diined, Iwm.

Sidaas markay tahay inagu waxaynu kamid nahay bulshooyinkaas kuwooda nasiibka u helay inay yeeshan shuruuc ay masuuliyada dabaqaadooda ay ka masuul tahay nidaam dawli ahi.

Waxa inoo dhisan Xeerar iyo shuruuc kala duwan oo shaldhigoodu yahay shareecada islaamka sida ku cad dastuurka  qaranka Qodobkiisa 128aad  oo u dhigan sidan:-

 DASTUURKA QODOBKA 128aad  SALDHIGGA IYO SARRAYNTA DASTUURKA

1. Dastuurka waxa saldhig u ah mabaadi’da Islaamka.

2. Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.

Hadaba Waxa mudooyinkan danbe soo kordhay Hawlgalo aysameeyan hay’daha amanka oo gaf iyo xadgudub foolxun ku ah Muwaadiniinta somaliland Falalkaas oo ah qaar dastuurka iyo xeerarka dalkaba baalmarsan kana hor imanaya Qodobada Dastuuriga ah ee ka hadla xuquuqda asaasiga ah.

Waxa ciidamada amaanku saqdhaxe udaateen guryo iyagoo aan haysan amar sharci oo waafaqsan dastuurka somaliland  Qodobkiisa 29aad  oo u dhigan sidan:-

QODOBKA 29aad  XURMAYNTA HOYGA

Hoyga iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore oo sababaysan.

Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin.

Baadhaha waxa ka reebban ku xad-gudubka amarka garsooraha.

Qodobkani wuxuu marag-fur cad ka yahay inay qalad yihiin halgaladan inagu cusub ee ay ciidamada amaanku mudooyinkan danbe ku shaqeeyan, sidoo kale qaybta danbe ee qodobku wuxu tilmaamaya habdhaqanka loogu hawlgalayo Amarka Garsooraha oo waxa uu ka digayaa inaan tacadi loo adeegsan Amarka Garsooraha, Bal hadaba ka warama Hoyga Amar la’aan loo daatay sidii tuugta iyado aanay jirin Badana  Halis ku kalifaysa ciidanka amaanka inay ugalaan Gafafkaas qayral dastuuriga ah.

{Bal waxaad isweydiisa Ciidanka guri udhacaya iyaga oo aan Haysan Amar Garsoore, Hadii ay ka soo saaran gurigaas qalab faldanbiyeed lagu gali karo Ma noqon karaa Marag-fur, Ma guriguu kasoo saaray mise iyagaa sitay yaa u marag ah}

Ka xiga isna ayna eega qodobkan 24aad Faqradihiisa 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad  oo u dhigan  sidan:-

QODOBKA 24aad.  XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA

 1. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2. Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.

3. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4. Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf.

hadab Markaynu soo uruurino qodobkaasi afartiisa faqradood waxay Badbaadinta Nafta, Jidhka, Sharafta, Sumcada iyo Xuquuqda Qofka, Bal waxaad Isweydiisa inta inta qof muwaadin ah inta loogaystay gafafkan oo xitaa qaarkood inta la shaaciyay magaciisa iyo muuqisa hadana lagu waayay wixii loo haystay oo waayay magac-samidiisi.

Ka Daran ee Bal Kana eega waa Qodobka 26 oo u dhigan sidan:-

QODOBKA 25aad .  XAQA XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO SHURUUDAHA XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA

1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.

3. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.

4. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.

Marka aynu xaqiiqada Kam qayrkaa ah ayaa laga qabtay agtaada oo mudo kadib la iska sii daayay iyadoon xeer iyo xaq midna lamarin, Meeday Dawladii Masuuliyadoodu Xuquuqdani saarnayd  ee muwaadinka ka masuulka ahayd,; Bal Adba..

Imisa ayaad aragtay hooyo tamar daran oo lagu haysto danbi uu galay ubadkeedu

QODOBKA 26aad CIQAAB IYO DEMBI

1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

2. Mas’uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya.

3. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

Aduun ceeryaale Hadii aynu Helno intan waxbaba miyay inaga xumaan lahayeen?

Hoos u dhaadhac Bal ilaahay ayaan idinku dhaarshay ee imisa kula mid ah oo la garan waayay meel lagu xidhay ayaa xabsiyada ku jira oo qareen daayo hooyadii latusi waayay?

Bal aynu eegno Qodobkan 27aad ee dastuurku halka uu ka taagan yahay arintaas :-

QODOBKA 27aad    XUQUUQDA QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY

 1.  Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.

2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.

3. Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar. Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-ka­soo qaad ma laha.

4. Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.

5. Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.

6.  Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go’aan maxkamadi ku ridday uu racfaan uga qaato maxkamadda ka sarraysa.

7.  Marka qof  la qabto iyo marka la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq u  leeyahay in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.

8.  Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suubban.

9. Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa caddaynaya.

 Markaynu soo uruurino qodobkaasi iyo kuwa kaleba waxa xadgudub iyo dastuur jabin ku ah hawlgalada ugubka inagu ah ee habeenadan danbe lagula kaco bulsho nabad ku seexatay, Waar Bal maxaa.

Gabo gaboda qoraalkan Waxaan Baaq u dirayaa Dhamaan Waaxyaha iyo Golayaasha qaranka, Asxaabta Qaranka, Hay’adaha Caalamigah iyo kuwa maxalgah, Saxaafada, Qaybaha Bulshada, iyo Sharciyaqaanka Dalka, Waxaan ugu baaqayaa in aan la dhayalsan arimahan qayral dastuuriga ah ee laga hadlo si aan loo qoomameyn hadhaw. waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed maxamed silaanyo, Wasaarada Arimaha Gudaha, Hay’ada sirdoonka qaranka iyo Taliyayaasha ciidamada Amaanka in si degdeg ah loo joojiyo falalkan oo hawlgalada danbe lagu saleeyo shuruucda dalka, In loo soo aliyo muwaadiniinta hantidooda laga afduubtay, in dadka raafka iyo qafaalashada lagu haysto si degdega loogu ogolaado inay la kulmaan Qoyskooda, Qaraabadooda iyo Qareeno, Isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo horgeeyo maxkamadaha.

Qalinka: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed Hargeysa

Haadaa wasallaam