Muwaadin Xadhig ku mutaystay Lacag uu kaga Qayb-qaatay soo-dhaweynta Madaxweynihiisa

Gabiley (SLpost)- Axmed Ciisood Axmed oo ka mid ah dhalinyaaradda aqoonyahanka ah ee magaallada Gabiley, ayaa shalay gellinkii danbe xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay inuu lacag u diray Teleefanka Maayerka magaaladaas Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Muwaadinkan ayaa sida uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Shabakada xidhiidhka bulshadda ee Facbook, waxa uu sababta uu lacagta ugu diray maayarka ku sheegay inuu qaybqaadanayay soo dhaweyntii Madaxweynaha oo Khamiistii illaa Jimcihii joogay halkaas.

Isku day aannu ku raadinnay Maayerka Gabiley Maxamed-Amiin si aan arrintan wax uga weydiinno, ayaanay noo suurta gelin inaannu ku helno, hase ahaatee, Xubno ka tirsan golaha deegaanka Gabiley oo aannu weydiinay, ayaa noo caddeeyay in Taliska Boolika Gabiley oo ay la xidhiidheen si ay arrintan wax uga weydiiyaan u sheegay in lagu haysto lacagtaas uu u diray Maayaerka.

“Lacagta uu Telefoonka u diray haddii aan loo baahnayn waxaa ku fileyd in loo celiyo, sidaan maqlay looma celin. Waxaana loogu bedelay xadhig.”  sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah xildhibaanaddan oo aanu arrintan wax ka weydiinay oo noo sheegay in ay waddaan waan-waan lagu sii deynayo, sidaas darteed aanu jeclayn in aanu magaciisa xusno.

Axmed Ciisood ayaa sawirka lacagta uu diray uu ku muujiyay ee uu dhigay shabakabada Facebook waxaa uu raaciyay farriin uu ku leeyahay. Sidan. “Madaxwaynaha Maalintii Dhawayd waan soo dhaweeyay Sawir uun baanaan la galine, waxaanan soo dhawaynta Madaxwaynaha kaga qayb Qaatay Dhaqaale ahaan.”

Axmed Ciisood oo ka mid ah dadka siyaasiyan aadka u naqdiya hawl-qabadka golaha deegaanka Gabiley gaar ahaan Maayarka ayaa ka dib xadhigiisa, waxaa uu sidoo kale bartiisa ku sheegay in aanu xadhigu ka joojin doonin dhaliisha uu jeediyo. “Maayar waxaa aad ogaataa in xadhigu aanu iga joojinayn inaan runta sheego..Muslim kuma cabiidsamo, waloon madaxa kaa go’ayn”.

 

Xigasho: AftahanNews