MUWAADIN REER JABUUTI AH OO CABASHO XOOGAN KA MUUJIYAY GURYO AY HARGAYSA KU LAHAAYEEN OO MULKIYADO BEEN ABUURA LOO SAMAYSTAY IYO DOORKA UU KU LEEYAHAY MAAYARKA SOLTELCO.

??????????????

DJABUTI(somalilandpost) Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur oo ah muwaadin reer Jabuuti ah sidoo kalana u dhashay  somaliland  ayaa cabasho xoogan ka muujiyay cadaalad darooyin faro badan oo lagula kacay,waxaanu dhibanahan oo warbaahinta u waramay sheegay in xoog lagaga haysto guryo ay kulahaayeen magaalada Hargaysa, isaga oo bedka soo dhigay arimo laf jab ku ah Maamulka Dawlada Hoose ee Caasimada Hargaysa, ka dib sida uu sheegay dhibanahani markii maayarka caasimada Hargaysa  mulkiyad been abuur ah uu u sameeyay dad kiro ahaan ugu jiray bakhaaro ay ku leeyihiin Badhtamaha caasimada Hargaysa.

??????????????

 Muwaadinkan reer jabuuti ayaa sidoo kale soo bandhigay kala duwanaanshaha waraaqahan been abuurka ah ee loo samaystay sedexda guri ee ay ku leeyihiin badhtamaha suuqa Hargaysa oo mudo dheer kiro loogu jray ayna u samaysteen kiraystayaashii ku jiray.

Sidoo kale Muwadin Naasir ayaa fashiliyay  in shaqsiyaadka degan guryahan kirada ugu jiraa ay ardiyadahan been abuurka ah ee ay sameysteen ay baananka kaga qaateen lacago  Faro badan

Mr. Naasir ayaa maayarka caasimada Hargaysa C/raxaan Soltelco ku eedeeyay in dhamaan lahaanshaha been abuurka ah ee  qaarka mida dadkii markii hore  kirada ugu jiray   xiligana samaystay ducomentiga been abuurka ah  iyagoo mid ka mid ahi uu ku doodayo in laga iibiyay  halka qoyska iska leh gurayahan ay ku eedeeyeen maayarka iyo xubno maxkamaduhu in ay ku gacansiinyeen samaysiga waraaqahan sharci darada ah .

Dhanka kale cadaalad darada lagula kacay muwadinkan reer jabuuti ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano ka mida golaha wakiilada somaliland  halka ay dacwadeedana ka galeen looyaro caalamiya oo ka yimid dalka jabuuti iyo sidoo kale qoraal uu safiirka jabuuti ku socod siiyay wasaraada arimaha gudaha somailand kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii xukuumada Somaliland talaabo uga qadi lahayd cadaalad darada Lagula kacay muwaadinkan reer Jabuuti.

 Hadaba halkan kaga bogo sida loo minguuriyay sharciyada saxda ah ee ay lahaayeen guryahan dhibane Naasir oo ah guryo ay dhaxleen qoyskoogu mudo fog.

kala iibsi qaybta kowaad

Guriga 1aad: waxaa ku jira Rashiid Ibraahim Ciise oo ku iibinaya  ardiyad qaldan oo numberkeegu yahay  j-al/b-47/593, halka guri numberka saxda ah ee Ardiyadu  yahay j-al/b-47/598.

ardiyada2013 qaybta kowaad

Guriga. 2aad: waxa hada ku jira Gurigan  Naasir C/laahi Nuur, halka uu  Ardiyad been abuur ah oo khaldan  u samaystay iyo mulkiyad foojariya ninka  lagu magacaabo Axmed Cali Xaaji Mohamed numberka j-al/b-47/597,

ardiyad1 been abuur qaybta kowaad 2Mulkiyada1 been abuur ah qaybta kowaad

 

Guriga. 3 aad: waxaa sifo qaldan ugu jira iyo sidoo kale iib been abuur ah Axmed Cali X. Mohamed oo isaguna u samaystay ardiyado been abuura numberkeeguna uu yahay  j-al/b-47/591 oo ku bixiyay cashuuro isagoo lambarka asalkiisu ahaa j-al/b-47/596.

Ardiyada14 qaybta kowaad

 

LASOCO QORMADENA DANBE IYO XOGO XASAASIYA