“Muuse u Daba Fadhiisan Mayno Xisbi Caddaalad Darro ah” Maxamed Biixi

 

Hargeysa(SLpost)- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ahna, musharax u taagnaa jagada musharaxnimada madaxweyne ee Kulmiye, ayaa xaaraan ku tilmaamay shirka golaha dhexe ee Kulmiye salaasadda qabsan doono.

 

Wuxuu sheegay innaanu shirkaasi ahayn mid loo dhan yahay, sidaasi darteedna aanay garab ahaan ka qayb gali doonin, wuxuuna madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo wada jirka bulshada iyo midnimada xisbiga Kulmiye.

 

Waxa uu sheegay inaannay aqbali doonin musharax kasta oo ka soo baxa shirka Kulmiye, sidaas darteedna aanay cidna u daba fadhiisan doonin hogaanka xisbiga Kulmiye. Wuxuu sheegay in boob cad iyo afduub lagu soo saarayo cidda ka soo baxda Kulmiye.

 

Halkan Ka Daawo Hadalka Maxamed Biixi Yoonis: