“Muuse Biixi Wuxuu U Soo Joogay Inta Nin Ee Uu Dagaal Galiyey Ee Ku Dhintay, Waxaanu Leenahay Hadday Wax Kugu Baxsadeen…” Xasan Guure

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiyaha madasha wadatashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay in musharraxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi uu isaga oo halgan u soo galay qaranimada Somaliland inuu wada-hadaladii Somaliland iyo Somaliya yeesheen ku weheliyay xubno uu ku tilmaamay inay dalka u soo shaqo tageen.

xasan-guuure

Xasan Guure oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in madasha wadatashiga Somaliland aanay hadda diyaar u ahayn inay ka mid noqdaan saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ka jira.

“Muuse Biixi waa Ninka keliya ee Ragii Jabhada ahaa dagaalna la galay ee wada-hadaladaa ku jira, Muuse Biixi isaga xil gaaraa saaran , Su’aal gaar ah ayaan weydiinayaa. Muuse wuxuu u soo joogay inta Nin ee uu dagaal galiyay ee ku dhintay iyo siduu dalku u bur-buray ayuu goob joog u ahaa, maanta inuu Raga Somaliland u soo shaqo tagay ku taageero isaga iyo Siilaanyo kamaanan filayn, waxaanu leenahay Muuse Biixi Mujaahid haddii ay wax kugu baxsadeen ka soo noqo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha madasha wadatashiga Somaliland

Xasan Guure oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Saddexda xisbi Guddoomiyeyaashoodu wey ka qayb-galeen shirarkii Akara iyo kii London, kuwa Dubai-na xaqul qalinkay malaha doonteen wey ka qayb-galeen, malaha. Haddii ay caynkaa tahay oo ay dawladda la qabaan, wax ay Ummadda u soo wadaan ma jiro.” ayuu yidhi  Guddoomiyaha madasha wadatashiga Xasan Guure Jaamac

Guddoomiyaha madasha wadatashiga oo la weydiiyay inuu jiri xisbi ah madal ahaan ku biirayan, waxa uu ku jawaabay “Ma muuqdo xisbi aan ku biiraynaa, kuna biraynaa, ismanaan weydiin-ba inaan ku biirayno. Waxaanan Ummadda u sheegaynaa in aanu jirin xisbi aanu ku biiraynaa.” ayuu yidhi Xasan Guure

 

Halkana ka daawo.

Somalilandpost.net