“Muuse Biixi Waa nin Xog-ogaal u ah Damaca iyo Duruufaha Xisbiga Kulmiye ku gedaaman…Waxaan doonayaa…” – Siyaasi Maxamuud Xaashi

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inaanu mucaarad ku ahayn kana soo horjeedin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, balse ay jirto sabab ay isku hayaan oo inuu dhammaaday muddo-xileedkii guddoomiyenimadiisa Xisbiga.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibad soo dhawayn ah oo ay ku qaabileen jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay, waxa uu sheegay inaanu ahayn siyaasi mucaarad u ah madaxweynaha balse uu yahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Kulmiye marka la gaadho shirweynaha Xisbiga.

“Xisbiyada waxaynu u samaysannay inaynu ku tartanno oo dadku wax kala doortaan oo aynu himilooyin iyo aragtiyo kala duwan keenno. Raggii mudnaanta iyo miinada iga lahaa waan la soo shaqeeyey, waan la daweeyey. 

Waxaan maanta u arkaa ammintii kuyuugu aniga i soo gaadhay. Iskama riyoon, laab-la-kac ma daarrana damacaygu, waxaan u arkaa inaan halkaa soo gaadhay, waxaan u arkaa munaasib inaan ku ahay in maanta Xisbiga Kulmiye hoggaamiyo”, Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Siyaasi Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay, “Aqoonta aan u leeyahay madaxweyne Muuse, waa odaygii Qaranka waana odaygii Xisbiga. Waa nin Xog-ogaal u ah damaca iyo duruufaha Xisbiga Kulmiye ku gedaaman.

Madaxweyne Muuse Biixi Mucaarad kuma ihi, shalayna waan dhisay oo waxba ma hagran, maantana waan taageerayaa oo waan la shaqaynayaa. Madaxweyne-nimada iyo xilka qaranka uu hayo nin hunguraynaya  ee riixaya ma ihi, Muddo-xileed labaad inuu tartamona xaq buu u leeyahay, laakiin anigu waxaan doonayaa waa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye”, Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsna ka jeediyey munaasibad laysku arkay oo jaaliyadda reer London ku qaabileen siyaasiga oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku marayey waddamo dhowr ah oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Somalilanpost.net
somalilandpost@live.com