Muuse Biixi oo soo Faqay Taariikh soo-jireen ah oo u dhexayn jirtay Gaashaan-buurta ku Midowday Xisbiga Kulmiye

Gar-adag (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayaan hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, ayaa shalay si ballaaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag, halkaas oo masuuliyiintu hadallo kala duwan ugu jeediyeen dadweynihii soo-dhawaynta ku qaabiley.

Safarka Hoggaanka Kulmiye oo qayb ka ah olole balaadhan oo xisbigu ku dar-dargelinayo hawlihiisa iyo taageeradiisa gobollada dalka, ayaa lagu qaabiley Geedka Gobka ah ee Caanka ku tahay degmada Gar-Adag, halkaas oo xaflad lagu qabtay ay hadallo kala duwan ka jeediyeen masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, Madax-dhaqameed iyo shakhsiyaad Kale.

muuseGuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo dadweynaha la hadlay, ayaa halkaas uga soo jeediyey weedho hoga-tusaalayn iyo baraarujin ah isugu jira oo xambaarsan is-xulaysi-siyaasadeed taariikhi ah oo u dhexeeya taageerayaasha ku bahoobay Xisbiga Kulmiye.

“Xisbiga Kulmiye Somaliland oo dhan baa isugu tagtay, dantooday u arkeen, fikrad baynu isugu nimi. Waxaynu isugu nimi oo isu keen keenay wixii isu-keen keenay Halgamo fara-badan oo horeba,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu soo qaatay, “Waxa Hubaal ah oo ragga waaweyni garanayaan in markii la kicinayey Isticmaarkii Ingiriiska, intii Kulmiye u codaysay, barigaana inay meel u wada-codaysay.

Markii halkan Maykal (Michael Mariano)  looga codaynayey, waxa la hubaa intii maanta Kulmiye u codeysay, barigaasna isku codbay ahaayeen.” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.