Muuse Biixi oo soo bandhigay hiigsiga Barnaamij-siyaasadeedka Shanta Sanno ee soo socda iyo Rejadiisa Guusha Doorashada madaxtooyada

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo bandhigay barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbigaasi ku hoggaamiyo dalka iyo hiigsiga mustaqbal ee uu isagu ku doonayo inuu ku hoggaamiyo talada dalka isagoo ka duulaya siyaasadda xisbul-xaakimka.

Muuse Biixi waxa uu barnaamij-siyaasadeedka ku soo bandhigay munaasibad maanta ku qabsoontay magaalada Hargeysa, isagoo iftiimiyey sida ay hoggaaminta dalka ugu dabbaqi doonaan hiigsiga Shanta Sanno ee soo socda haddii uu ku guulaystay doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto dhammaadka sannadkan.

HADDABA HOOS KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN