Muuse Biixi Oo Sheegay in Wasiirada Iscasilay la Eegayo inay ku Gafeen Xeerka Kulmiye

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha xisbi xaakimka Kulmiye, ayaa ku dooday in wasiirada iscasilay loo eegi doono xeerka ciqaabta Kulmiye, haddii aanay qodobada ciqaabta ku gefinna ay xisbiga sii mid ahaan doonaan. Xukumadda Kulmiye waxaa iska casilay inka badan toban oo iskugu jira wasiir, wasiir xigeenno iyo afhayeenka madaxtooyada oo badankoodu mar is wada casilay.

 

“Wasiirradani waa qof aqoon-yahan  ah oo madaxweynuhu uu karti ku doortay, beri buu dooran karaa, maanta wuu eryi karaa. Waxay ku xidhan tahay siday isku casileen ayaa horta sharciga loo eegayaa. Xisbiguna xeer ayuu leeyahay  qofkii ku gefa xeerkaas waa lagu ciqaab mariyaa,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi oo VOA-da u waramay.

 

Guddoomiyaha  Kulmiye ayaa ku doodaya in haddii xubnaha iscasilay si abaabulan isu casileen talaabo laga qaadi doono “Waxa la is weydiin doonaa miyay ka hor yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) barnaamijkii xisbiga iyo xukuumadda. Haddii ay noqoto HAA inay ka hor yimaadeen oo waliba si abaabulan uga horyimaadeen. Xeerka xisbigu wuxuu tilmaamayaa in tallaabooyin laga qaado. Haddii ay arrin iska caadi ah noqotana qofku xisbigiisii wuu iman karaa.”

 

Guddoomiyaha Kulmiye wuxuu ku dooday inaanay wasiirrada iscasilay saamayn ku yeelan doonin xukumadda “Waxay ila tahay saamayn ku yeelan maayo, marka hore Wasiirradu waa dhawr iyo konton sagaal ayaa is casilay. Waad arragtaan oo dawladii way dhisan tahay. Ta labaad dawladdu waa dawlad madaxweynuhu maamulo oo madaxweynuhu awooda leeyahay. Ma aha dawlad baarlamaan ku fadhida, ninka Wasiirka ah madaxweynaha ayaa shaqadda qora. Wasiirraduna waxay madaxweynaha ka kaaliyaan hawshiisa  iyo siyaasad gaar ah iyo awood ay leeyihiin oo gooni ahi ma jirto,” ayuu yidhi Mr Muuse.

 

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiyaha Kulmiye ku dooday in madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay inuu taageero cid ka mid ah musharaxiinta Kulmiye waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waa Guddoomiyihii xisbigan aasaasay, madaxweynuhu caalamka oo dhan haddii uu xilka ka degayo waa khasab inuu cid u soo dhiso oo u soo barbaariyo.Markaa ceeb ma aha haddii uu aniga ama qof kaleba uu soo jeediyo oo uu yidhaahdo qof kaas ayaa ku habboon. Waxay ila tahay madaxweynuhu ma aha Komishaneer u dhex ah xisbiyadda. Maadaama oo uu odaygii xisbigan soo aasaasay yahay, waa ku waajib inuu cid taageero oo hawshaas ka bixi kara, mana ah wax laga cadhoodo.”