Muuse Biixi Oo Sheegay In uu Sharciga Xisbiga Kulmiye u Hogaansamayo Haddii La Doorto Iyo Haddii Kaleba

 

 

Hargeysa(SLpost) -Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin u diray xisbiga Kulmiye iyo musharaxiinta la loolamaysa, waxaannu ku booriyay in laga fikiro isku haynta xisbiga iyo mustaqbalka fog ee Kulmiye. Waxaana uu sheegay inuu sharciga xisbiga u hogaansamayo haddii la doorto iyo haddii kaleba.

 

Guddoomiye Muuse Biixi oo Hotelka Ambasador kulan taageero ah kula yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ugu jira bulshada degaanka koonfurta bari ee Hargeysa ayaa ku dooday in Kulmiye musharaxiintiisu isku degaan ka soo wada jeedaan “Tartanka Kulmiye marka si loo eego waa iska yara mucjiso! Waayo waxa iska soo sharaxay waa wada Ilmaaadeer laakiin dee nasiib wanaag abtinimadii ayaan dheeraaday,” ayuu yidhi Muuse Biixi

 

Waxa uu sidoo kale guddoomiye Muuse Biixi farriin u diray Kulmiye “Reer Kulmiye ayaan la hadlayaa, xisbiga guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii Odaygeenii(Siilaanyo) hore ayaynu raacaynaa, in xisbiga la isku hayo, in xisbiga laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayo in tartanku hufnaado mar walba, inaynu wax walba ka hor marino xisbi nimada,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.

 

Guddoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Waa inaynu ka fikirno in Kulmiye noqdo sida xisbiyada qaar mid boqolaal sanno jira oo jiilba jiil ka dhaxlo. Maaha Kulmiye Kursigaan ku gaadhayaa oo Kursigaan u soo doonanayaa ma noqonayso. Kulmiye wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal dheer  buu leeyahay. Kulmiye way ka reeban tahay nin doonayaa inuu kursiga ku fuulo ama u soo doonta inuu Kursi ku fuulo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

 

Ugu dambeyn guddoomiyaha kulmiye wuxuu balanqaad u sameeyay xisbigiisa haddii musharaxa loo doorto waxaanu yidhi “ Haddii golaha dhexe I doorto iyo hadduu I yidhaa sanadka iska joog iyo hadduu I yidhaa iska sii fadhi iyo hadduu I yidhaa waligaaba iska joog waxaa mar walba igu waajib ah inaan sharciga xisbiga u hogaansamo, inaan xisbiga isku hayo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga iga go’an,” ayuu yidhi guddoomiyaha Kulmiye.

 

Ololaha tartanka musharaxnimada Kulmiye ee shirka golaha dhexe ee bisha dambe ayaa si weyn looga dareemayaa Somaliland, waxaana tartanka ugu weyni u dhexeeyaa guddoomiye Muuse Biixi iyo wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, iyadoo musharaxiin kalena ay jiraan.