Muuse Biixi oo luqad Adag ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku eedeeyey faro-gelin siyaasadeed oo uu ka Gudaha wado Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Somaliya uga digay faro-gelin siyaasadeed iyo khal-khal gelin uu ku wax-yeelanayso amniga Somaliland oo guddoomiyuhu sheegay inuu ka dhex-wado Somaliland, isaga oo ku eedeeyey inuu dambeeyo xasilooni-darrada kooxda la baxdo Khaatumo ka waddo qaybo ka tirsan gobollada Bari ee dalka.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa kale oo uu jawaab ka bixiyey hadallo ka yeedhay Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kaga hadlay midow mar labaad dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu ku tilmaamay madaxweynaha Somalia inay war-la’aani ka hayso farqiga u dhexeeya labada waddan iyo go’aanka qadiyadda ku dhisan ee shacabka Somaliland qaatay.