Muuse Biixi oo ka hadlay Xanta Waran-cade ee Xukuumadda lala xidhiidhanayo iyo iscasilaadda Gaboose

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. ayaa shaaca ka qaaday inuu wada-hadallo la yeeshay Cali Maxamed Waran-cade iyo Siyaasiyiin kale oo hadda mucaarad ah, isla markaana ku qancinayo Xisbiga KULMIYE inay ku soo biiraan.

Waxa kale uu Guddoomiyuhu ka hadlay sida uu u arko is-casilaadda Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose. Md. Muuse Biixi oo markii ugu horraysay ka hadlay wararka sheegaya in Cali Maxamed Waran-cade ku hamiyayo sidii uu u noqon lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiyaha KUL IYE Muuse Biixi, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay la yeeshay Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV. “Hawashaas Madaxweynaha u warhaya. Cali Waran-cadde saaxiibbaannu nahay, aad baan u qaddariyaa. Wararka sheegaya Muuse iyo Cali Xidhiidh bay yeesheen, waxaan idiin sheegayaa inaanu waligayo xidhiidhi jirnay, waananu wada xidhiidhi doonnaa. Way jirtaa inaanu wada sheekaysanno.. Intan aan Kulmiye Guddoomihiisa ahay ee wakhtigan cusub, waxaan jeclahay oo aan had iyo jeer raadiyaa oo aan fursad u arkaa in dadka muddakarka ah, siyaasiyiinta ama aqoon yahanka ah ee dalka jooga ee Cali iyo rag badan oo siyaasiin ahi ka mid yihiin aan ku qanciyo barnaamijka Kulmiye oo aan idhaahdo waar tii hore ninna meel buu ka qaylin jiraye, waxba tari maysee aynu meel ka wada hagaajinno. Markaa in badan baan kala sheekaystay inaan Cali ku qanciyo barnaamijka Kulmiye oo aan idhaahdo aynu meel ka wada hagaajinno, isna waanu wada kaftannaa oo wadahadalnaa. Taasna waxa ku jirta in rag badan oo isagu ka mid yahay oo UDUB ah iyo rag xisbiyo kale iyo dalkaba jooga aan ku idhaahdo, waana xil aan isu saarayo inaan dadka wixii muddakar ah isu soo ururiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey kulan ay wada yeesheen Cali Maxamed Waran-cadde dhawaan iyo xilka la sheegay in loo magacaabayo, gaar ahaan in laga dhigayo Wasiirka arrimaha gudaha oo uu Gabboose booskiisii buuxin doono, waxa uu yidhi;  “Horta inta badan waannu wada joognaa intii ugu dambaysay. Jimcihii dhawayd gurigayga ayuu ila joogay, aniguna kiisa ayaan kula kulmay. Waxaannu nahay rag aad isugu xidhan. Xilka waxa la gaadhi karaa marka laga heshiiyo. Anigu waxaan ka masuul ahayd Xisbiga Kulmiye, waajibkayguna waxa weeyi inaan dadka ku qanciyo barnaamijka Kulmiye oo aan ku soo ururiyo. Haddii aanu kuwada qanacno Kulmiye, isaga iyo nin kale toona, markaa waan ka hadli karaa xilka Xukuumadda.” “laakiin anigu waxaan ku ekahay inaan qofka ku qanciyo Kulmiye. Cali waxaan kala sheekaystay oo aan ku qanciyaa isaga iyo raggiisa kaleba oo aanan ninna kala gabbanayn, waan ku qancin doonaa, qaar badan oo kalena ku qancin doonaa, jeclahayna inaan bulshada inteeda badan meel isugu geeyo sida dhalinyarada, haweenka, siyaasiga iyo aqoon yahanka oo aan ku qanciyo hawshanaan wadnaa ee aan isla eegno.” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa haddii Kulmiye lagu heshiiyo oo qofkii Kulmiye ka mid noqdo oo nin la ogyahay noqdo, waa laga wada hadli karaa inuu wax ka noqon karo xukuumadda Kulmiye, barnaamijka iyo hawshayadii soo galayaa oo Xukuumadda laga hadli karaa. Laakiin, immika arrintayadu waxay ahayd aniga iyo ninkaa aanu saaxiibka nahay qaar sheeko wadaagaya. Tusaale ayaan ku siinayaa, intii dawladdii Rayaale uu ahaa saddex jeer ayuu isku dayay inuu igu qanciyo UDUB iyo Rayaale, markaa sidaas oo kale Aniga ayaa doontay, weliba ra’yigayga u soo jeediyey, isaga iyo rag badan oo kalena sidaas ayaan ula daba-joogayaa.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlaya aragtida uu qabo is-casilaadda Dr. Gabboose iyo saamaynta ay isaga ku yeelan karto ayaa yidhi, “Gabboose Saaxiib-baanu nahay waananu ahaan doonaa, haddii fekerka siyaasadda lagu kala tago lama colloobayo, maantaa la kala badinayaa, beribaa la kala badinayaa.  Gabboose waa nin muxtarim ah, haddana aqoon yahan oo siyaasi ah oo aan karaamadiisa u hayo, Saaxiib-baanu nahay oo marar baanu soo wada shaqaynay haddana kala tagaynaa. Xisbiga uu dhiso waan soo dhawaynayaa, siyaasad iyo Feker wanaagsan oo dalka anfacaya uu keeno waan soo dhawaynayaa, waayo dalka ayay dan u tahay waayo fikradda waan in la kala qaato markaa waan soo dhawaynayaa xisbigiisa. Tartankanna si xalaal ah oo qurux badan oo sharciga iyo diinta waafaqsan oo dalk faa’iido mooyee aan khasaare ku keenin ayaan u geli doonaa.”

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com