Muuse Biixi oo Ka Hadlay Muranka Haamaha Shidaalka, Gacanqaadkii Golaha Wakiilada iyo Arimo Kale

Muse Bihi

 

Hargaysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay gacanqaadkii golaha wakiilada,muranka ka taagan haamaha shidaalka, dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Xasan Sheekha Somaliya madaxweynaha ka ah iyo shirka golaha dhaxe ee Kulmiye.

Xubnaha ugu sarsareeya Kulmiye ayaa maanta madaxtooyada ku lahaa shir balaadhan oo ay ku mudeeyeen wakhtiga shirweynaha golaha dhexe ay qabsanayaan, hadaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbadii Muuse Biixi oo qoraal ah.

 

Jawaabta Somaliya

Inteenii maqashay maalmahan madaxwaynaha soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud waxa uu ka yidhi muqdisho –Shirkan fadaraalka ah mabda’iyan Somaliland way ku jirtaa, waxaan eegaynaa farsamooyinkii ay uga qayb gali lahaayeen–.  Ninbaa laga hayaa arin uu ka yaabay:ninka yidhi waxbaan gani aniga gol iyo cayn jooga ee yidhi badii garcad yaan gudub u waydaarin  godka lagu cadaabyoow, muxuu go’uhu been sheegay.  Weedhaasi waa mid gaf iyo meel ka dhac ku ah qaranimada Somaliland, waa gardaro badheedha, waa mid sii kala fogaynasa shacbi Somaliland iyo Somaliya.    Somaliland magan ugama aha qaranimadeeda, Illaahay mooyaane cid kale , dantu waxay ku jirta xasanoow  in aynu noqono laba qaran oo daris ah oo is ixtiraama.

Arrinta Golaha Wakiilada

Gacan ka hadalkii dhex maray shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland, sharaf dhac iyo foolxumo ayuu ku ahaa qaran ka Somaliland, iyada oo labada odayba canaanta wada leeyihin, hadana Soomaalidu waxay tidhaahdaa, ( hadii qooni timaado qardabo hadhay), sidaa darteed gudoomiyaha (Cirro) hadii uu ku gafay ku xigeen kiisu inuu gacan qaadaa milgihiisa may ahayn, laf jabka ugu wayna waxa uu ahaa markii laga daawaday warbaahinta gudoomiyiihii oo feedh ku garaacaya ku xigeenkiisa.  Muuqaal kaasi waxay su’aal galinaysaa, adkaysiga iyo taxamulka uu qofku u yeelan karo culayska siyaasadeed.

 Waxaa dareen keeda leh, iyada oo haldoorkii xisbiga Wadani si qayaxan ay ugu taageereen gacan-kahadalkii gudoomiyahooda, waxay taasi tilmaamaysaa in xisbiga wadani isu raacsan yihiin gafka gacan ka hadalka gudoomiyohooda waana arrin khalad ku ah curfiga siyaasadeed ee Somaliland, xisbiga wadani waxaynu waydiinaynaa xilalka qaranka miyaan lagu iman doorasho.    Madaxwaynaha, ku xigeenka, xildhibaanada iyo shir gudoon kooduba miyaanu distoorku qeexayn inay ku imanayaan doorasho mise kursiga wadani ku fadhiistaa waa lama taabtaan.

Arrinta Haamaha Shidaalka

Arintaa la xidhiidha haamaha shidaalka ee la hadal hayo, habka maamulka ee xukuumadu u qorshaysay kama uu soo gudbin golaha xukuumadda.   Ma aragno heshiis xukuumadu cid la gashay oo ay u soo gudbisay Golaha wakiilada ,arintaas wali waxa gacanta ku haysa oo ka baaraan degaysa xukuumada, sidaas darteed dadka arintaas faalaynaya hasugaan marka heshiiskaasi kasoo dhamaado xaga xukuumada, cidii talo haysaana waxa ay u gudbin kartaa xukuumada, waxaynu nahay dad talo wadaag leh oo is dhegaysanaya. Sawaxanka siyaasadeed ee mucaaridku hor boodayaa talo soo jeedin  maaha ee waa goolaaftan siyaasadeed. Si kastaba arrinkani waa arrin maamul oo masuuliyadeed.

Shirka Xisbiga Kulmiye

Waxaynu ognahay in dadka xiiseeya arimaha siyaasadu baryahan dambe oo dhan ka faaloonayeen shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.  Xisbi ahaan taa waanu ku farax sanahay waayo, waxa aanu u aragnaa in ummadda Somaliland dhamanteed danaynayaan geedi socodka xisbiga.  Taasi waxay muujinaysaa  ummada inteeda badan rajada mustaqbalkeeda ka dhex eegayaan xisbiga kulmiye.

Dhinaca kale hadal haynta xisbiga kulmiye waxay muujinaysa in shacbigu ka marag kacaayo, wax qabadka horumarineed ee xukuumada kulmiye fulisay shantii sano ee ay xilka haysay.  Xisbiga Kulmiye isagoo dareemaya kalsoonida shacbigu u muujiyay, isagoo ka falceliniya dareemada dadku ka naawilayaan  mustaqbal dhaw iyo ka fogba. wuxuu si hagar la’aan ah fikir iyo fulinba ku dadaalayaa:

ü  in uu ka midho dhaliyo hiigsiga iyo himilada shacbiga somaliand ee ah,

ü  in somalialand hesho aqoonsi buuxa  kana mid noqoto golayaasha caalamiga ah ee dawladuhu ku wada arinsadaan UN, AU. IWM.

ü   In Somaliland noqoto dal dimuqraadiya, dal dhaqalihiisu kobco oo ka horumara dhinaca aqoonta, caafimaadka iyo arimaha bulshada.

ü    In somalalinad noqoto dal uu hogaamiyo sharicigu, dimuqraadi ah, madaxdu ku timaado doorasho muwaadinintuna u siman yihiin xuquuqda dhinac wac walba.

 Xisbiga kulmiye hogaankiisa, gudigiisa fulinta, golihiisa dhexe iyo taageerayaashiisuba waxay si aada uga baaraan dagaan shirarkooda iyagoo ku lafa guraya arimaha kor ku xusan, kadibna go’aamiyaan waqtiga ku haboon ee shirku qabsoomayo.   Waxa ilaahay mahadiiya in maanta xisbiga kulmiye isla qaatay mudayntii qabsoomida shirkii golaha dhexe.   Xisbiga kulmiye waxa uu dheer yahay xisbiyada kale, waa xisbi leh musdambeed arimuhu markay adakaadaan talo iyo tilmaamba ugu noqdo,  Aasaasihiii xisbiga oo hadda ah madax waynaha dalka  tilmaam tiisa iyo taladiisa ayuu kulmiye in badan kaga badbaadaa dhibaatooyinka soo wajaha.  

Hadaba, markii aanu xisbi ahaan isla eegnay waqtiga ugu haboon ee shirku qabsoomi karo, waxaanu isla garanay in shirka golaha dhexe ee xisbigu qabsoomo 10 ka November 2015.  Sidaa darteed dhamaan golaha dhexe ee xisbiga waxaa laga codsanaynaa in ay u diyaar garoobaan shirka.

SOOMAALILAND HA NOOLAATO.

GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE.

MUUSE BIIX CABDI.