Muuse Biixi Oo Cudud Wax Uga Tari Karta Shirka Golaha Dhexe Maanta Kasbaday, Kaftankii Madasha Iyo Jawigii Lagu Kala Hoyday

Hargeysa (SLpost) – Aqlabiyadda xubnaha Golaha Dhexe ugu jira beel-weynta Deegaamada Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil, Hawd iyo Daad-madheedh ayaa taageeradooda u hibeeyay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya murrashaxa Madaxwaynaha ee xisbigaasi.

 

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, taas oo ay ka qaybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiinta fara badan, madaxdhaqameed, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, waxa madasha lagu shaaciyey 30 xubnood oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira beesha degaannadaasi oo dhammaantood si buuxda u taageeray murrashaxnimada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, iyadoo 25 ka mid ah xubnahaasi magacyadooda mid mid looga xaadiriyey goobta.

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay, ayaa sharraxey ujeeddada xafladda, waxaannu yidhi “Guddoomiye waxaan halkan kuugu caddeynayaa xubnaha golaha dhexe xisbiga KULMIYE ugu jira deegaanka oo tiradoodu tahay 41 xubnood in 30 ka mid ahi ay maanta diyaar u yihiin taageeradaada, xubanaha golaha markii ay taladoodii rog-rogeen waxay goosteen inay maanta ku habboon tahay in si toos ah loo taageero Muuse Biixi Cabdi, waxa raggaas ka mid ah oo ku jira ka tirsanaa ururkii SNM, waxa ku jira ganacsatadii, waxa ku jira ninkii sameeyay calanka xisbiga Kulmiye, ninkii sameeyay astaanta xisbiga Kulmiye, waxa kale oo halkan jooga martida ka mid ah ninkii sameeyay astaan Qaranka Somaliland, intaasoo dhan markaad aragto waxay kuu caddeynaysaa in dadka halkan isugu yimi iyo bulshadani ay yihiin kuwii dhidibbada u taagay rukunka iyo aasaaska xisbiga Kulmiye. Dhamaantood isumay keenin qabyaaladi, isumay keenin dano kale oo gaar ahi waxa isu keentay afkaar siyaasaddeed iyo aragti waddaniyadeed, taasaanay kugu taageerayaan guddoomiye, iyagoo ka talo qaatay beeshooda, deegaankooda iyo bulshadoodaba. Ninbaa wuxuu ku maahmaahay ‘Habraa la isku dhaafaye, haddaanan habaryartay keenin’ ragga halkan fadhiya maanta ee golaha dhexe waa raggii uu Muuse Biixi u abtiga ahaa.”

Waxa kaloo uu Xoghayuhu si faahfaahsan uga sheekeeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada Guddoomiye Muuse Biixi ee miyi, waxbarasho jaamacadeed ee dibad iyo gudaba iyo siyaasadiisa 35 sanno jirsatay, kuwaas oo uu xusay inay ka dhigayaan qofka ugu mudan ee la saari karo xisbiga KULMIYE, laguna aamini karo hoggaaminta dalka kadib Madaxweyne Siilaanyo.

Mr. Maxamed Ibraahim Qabo oo ah la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, ahna xubin golaha dhexe ee xisbiga, ayaa sheegay in Somaliland oo muddadii ay jirtay ee 25 sanno ahayd meel wanaagsan gaadhay ay waqtigana u baahan tahay hoggaamiye ka midho-dhaliya hiigsadeeda oo ay ugu horreeyaan hagaajinta arrimaha gudaha, kaasina uu noqon karo Muuse Biixi, “Maanta waxaynu baahannahay nin arramaheenna gudaha yaqaan oo kala dhig-dhiga oo geed-geed u yaqaana, taasna waxaan filayaa cid kaga khibrad badani inaanay tartamayn, golahayaga dhexe markaanu la kulmaynay nin aanu garani muu jirin,” ayuu yidhi Qabo, waxaannu intaa raaciyey, “Ninka KULMIYE ku cusub ama xukuumaddan la bilaabay ama badhka kaga soo booday, waa inaynu u fiirsanaa oo aynu eegnaa khibraddiisa shaqo oo aynu nidhaahnaa muxuu dalka u soo qabtay ee aynu ku dooranaynaa?”

“Beelaha Somaliland wada dega beel waliba waxay leedahay Jin arag ama Waraabe la hadal, beesha dhexe Jin aragiisu waa Beelaha Dega Gobolada Hawd iyo Hargeysa, waayo had iyo jeer halkaanu raacno ayaa guuleysata, maantana halkan waxaannu reerka intii u badnayd ugu soo urureen waxay arkeen guusha Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdillaahi oo ka mid ah madaxdhaqameedka beesha Beelaha Dega Gobolada Hawd iyo Hargeysa, ayaa isaguna ballanqaaday in beeshiisu ay si buuxda u taageerayso Guddoomiyaha KULMIYE, isla markaana waxa uu farriin u diray Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaannu yidhi, “Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waa saaxiibkay, waana nin aanu aad isugu dheernahay, Muuse Biixina waa u abti, anna Muuse Biixi baa ii abti ah waxaan ka xaal siinayaa Muuse hadalkii ka duulay Suldaanka, waxaanan leeyahay iska dhaaf oo yaanay waxba kugu sii mudnaanin adigaa abtigay ah, aniguna abtigaabaan kaa ergeeyee. Waxaanan idin leeyahay Muuse Biixi abaal buu inagu leeyahay waa inaynu abaalkiisii u celinaa.”

Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan, ayaa hadal isugu jira dardaaran, taageero iyo kaftan siyaasadeed ka jeediyey madasha, waxaannu soo dhaweeyey go’aanka beeshiisa iyo xubnaha golaha dhexe qaateen ee ay ku taageereen Muuse Biixi oo buu yidhi, “Muuse Biixi ma ammaanayo, laakiin waxaan ku aqaanaa oo uu leeyahay saddex astaamood oo hoggaamiyaha lagu qiimeeyo, kuwaasi oo kala ah aqoon, ammaano iyo awood uu aqoontiisa ku fulin karo, sidoo kale, waxaan ku aqaanaa inuu leeyahay geesinimo. Waxa ina soo maray afar Madaxwayne, Daahir Rayaale mooyaane saddexda kale waxay ahaayeen xeeb-joog, laakiin iminka waa reer Hawd oo lana dhaafin mayo (Madaxwaynenimada), waayo waanu geynaa Madaxweyne-nimada.”

Waxa kaloo uu farriin dardaardan ah u diray Madaxweynaha, xisbiga KULMIYE iyo salaadiinta, “KULMIYE waxaan leeyahay, waxa hore murrashax ugu ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxay hawl-wadaag ahaayeen Muuse Biixi oo ay axdi kala saxeexdeen oo waan ku dhisayaa ee hadhow anigana i dhis baa u taalay, Muuse Biixi wuu ka soo baxay waajibkiisii, markaa Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay adiga iyo ciddii ku taageeraysaba way u taalaa (abaalkaasi) ee sidii uu kuugu lisay Muuse Biixi ugu lis oo weliba uga badi ileyn dawladdii baad haysaaye, waayo? waxa uu ogolyahay inuu gees kaaga joogsado haddii aad mar kale isku dayeyso (murrashaxnimada dalka).” “Waxa isku kay qabanwayday dawlad mid qudha ah haddana laba wasiir oo Madaxweynuhu wada magacaabay laba af ku kala hadlaya, wasiirkii Warfaafinta oo leh Madaxweynahaa murrashax ah, Wasiirkii arrimaha dibadduna leeyahay anigaa murrashax ah, isagoo madaxweynihiina dhex fadhiya.” “Salaadiinta waxaan leeyahay dadka aad Madaxda u tihiin dhex ha idiin ahaadeen,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu halkaasi ka sheegay hadal kaftan siyaasadeed ah oo loo fasirtay inuu ku gannay Wasiir Maxamed Biixi, waxaannu yidhi, “Beribaa Soomaaliya la qabanayey tartan orod 40KM ah oo laga bilaabyaye meel u dhaxeysa Jawhar iyo Balcad, kadib raggii oo yaacaya oo maraya meel la yidhaahdo Ceel-cirfiid ayuu arkay nin la yidhaa Calasow oo dhiil caano ah sita, wuxuu yidhi raggani maxay la yaacayaan, markaasaa lagu yidhi waa tartan oo lacag baa la kala dheefayaa, markaasuu yidhi dhiisha ii qabta, oo orodkii bilaabay oo uu horgalay raggii yaacayey, markiiba wuxuu gaadhay garoonkii la tagayey oo buste lagu duubay, dabadeedna waxa laga waayey lambarkii ciyaartoyga, haddii la waydiiyey adigu maxaad ahayd wuxuu yidhi Ceel-cirfiid baan ka soo raacay ragga ordayey. Waar Somaliland waxa loo soo galay orod dheer oo kala ahaa mid halgan, mid walaaleyn ahaa, mid laba kooxood oo isgaraacayey oo la mideeyayba, ninka intaas oo dhan ka maqnaa waa kaa orodka dhexda kaga biirey uun.”

Sidaasiga Maxamed Iid Dhimbiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii KULMIYE iyo xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo hore u shaaciyey taageerada Muuse Biixi, ayaa halkaa ka shaaciyey inay ka bogsadeen kelmad tolkii ka caban jireen oo uu hore u yidhi Guddoomiye Muuse Biixi sannadihii sagaashamaadkii, “Halkii lagu xara-dhaamin lahaa ee dhiiggooda lagu kicin lahaa ma nihin, halkii na xanuuni jirtay way na bogsatay kelmaddaas. Gacal walaalo ah oo is-qaniinay baanu ahayn carrab iyo labaddiisa daan baa isku dhaca, aniguba umaan hanbaynayne laba wasiir baanu ahayn markaa isna halkan buu ka soo ridayay, anna halkanaan kaga soo ridayay, laakiin waanu ka heshiinay, wixii daantaana daad ha qaado, wixii daantanana daad ha qaado ayaa la yidhiye, maxaa loo buun-buuninayaa oo loogu ololaynayaa? Waa arrin qaldan, waxaanu leenahay nagu kicin maysaane roog cas baanu u dhigaynaa,” ayuu yidhi Maxamed Iid Dhimbiil.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo ku dhawaaqay inuu isla maanta ku biiray Xisbiga KULMIYE, Shaaciyeyna taageeerada uu hayo Mudane Muuse Biixi waanu yidhi “Waxaan maanta halkan ka caddeynayaa inaan ku biiray xisbiga KULMIYE, markii dawladdaha hoose loo tartamayayna XAQSOOR baan ahaayoo, iyagiina waanu wada soconaa, deegaanka aan kazoo jeedo ee bariga dhawriyo labaatankaa sanno ee Somaliland  jirtay waxaad ogtihiin in maamulku uu ka hanaqaadi waayay, sabab jira awgood, waxaanu u dooranay qoladayadaa barigu Muuse Biixi Madaxweyne go’aan lihi inuu bari talo u keeno, qaar baa askarinimada ka maaga, annaguna waabanu ku faanaa.”

Xildhibaan Cali Marreexaan, oo ka mid ah mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland, ayaa yidhi “Taariikhdaa raggii suntaday ee dhiigga shalalaqdiisanaya arkayey, waranka gaashaankiisana maqlayey ee dagaalamay, ee dhiciyey ee ku dhaawacmay ee qaarkood ku dhinteen haddii lagu faaniyo ama lagu doorto ama loogu hiiliyo yaan laga gubanin ileyn waala joogee.Aniga maalintii iigu horeysay ee aan arkaa waxay ahayd 1989-kii waxaan joogay meesha la yidhaahdo Dhoqoshay oo ahayd Xarumihii halganka, dagaal dadku u yaqaaneen biyo dhaamiska ama gogol xariir oo socday 15 Maalmood oo wixii ay Kaare lahayd Faqash halkaa soo dhigtay, ayaa subax markii aanu toosnay waxa Magaaladii Dhoqoshay ku waabariistay 12 gaadhi oo Tikniko ah oo Galbeed ka yimid, waxa lanagu yidhi waxa Ciidanka wata nin la yidhaahdo Muuse Biixi, waa nin dhuuban, gadh dhuuban oo Cumaamad Madaxa ku sita oo indho god-godan ayaa gaadhi nagaga soo dagay oo aanu salaanay, markaasuu yidhi shalay baan Balli-cabane ka imid, shalay ilaa xalayna waan soo socday imikana waan idin dhaafayaa oo dagaalkii gariirkiisu baxayo ayaan ku socdaa. Waxaas oo dhami waa taariikh is qortay, dhiigga ayaa la is marsaday oo waala isku hiilinayey, imikana tii baa taala, taariikhahaa ciddii ka maqnaydey haddii aanu Muuse raacno inaad na xod-xodato Mooyaane ha naga cabanin..”

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah hal-doorka doorka muuqda kaga jira tartanka qaban-qaabadiisu socoto ayaa isaguna sheegay “Annagu waanu gaadiidnay oo waanu soo dhacnay oo waa lana soo karbaashay, anigu imika waxaan kaligay ka noolahay afartii nin ee SNM bilaabay, xil la’aantana waan ku dhex joogaa camaystkaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ah mooyaane, laakiin qolooyinka naga soo horjeedaa markii xilka laga beddelay dhammaantood way a baxeen, kuwo berri laga beddelaana way ka baxayaan, kuwo doorashada laga helaana way ka baxayaan, laakiin anigu waxaan ku kalsoonahay ina Biixi haddii laga heli inaanu ka baxayn xisbiga KULMIYE, haddii aniga la iga beddelo Guddoomiye ku xigeenkana ka bixi maayo”ayuu yidhi, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Gabogabadii waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxwaynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Haddii aynu nahay Beelaha Dega Gobolada Hawd iyo Hargeysa waxa had iyo jeer inoo ballan ah in marka ay heerka Qaran joogto inaynu ka ilaalino xagga sare, waayo marka ay tahay in Qarankan la ilaaliyaba kow baynu ka nahay, maantana Qaran dhis uun baa inoo ballan ah, innagu ku ballami mayno inaynu hoosta ka ciyaarno, xag-xagasho dhexdeena ah waanu ka fognahay oo aragtideenu way ka dheer tahay. Maanta xisbiga xil weyn baa saaran oo talada dalka ayaa saaran, ta koowaad inuu xisbiyada baro doodda iyo sida loo xakameeyo iyo inuu ilaaliyo Qaranka midnimadiisa iyo horumarkiisa, sidaasaa inoo ballan ah.”