Muuqaal: Xildhibaan Dheeg Oo Sheegay In Wasiirrada Iscasillay Ahaayeen Kuwii Waxqabadka Xukumaddu Ku Faanto Suuro Galiyay

Hargeysa(SLpost) – Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan aqalka Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in wasiirrada isacilay ahaayeen mashiinkii waxqabadka xukumaddu ku faanto. Waxa uu dhaliilay dadka madaxweynaha ku taageeray soo buuxinta jagooyinka bannaanaday.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay inay haboonayd in wasiirada iscasilay lala xaajoodo, lana darso sababaha ay isku casileen. Wuxuu sheegay in Guurti ahaan aan lala socodsiin khilaafka Kulmiye, sidoo kalena talada guddoomiyaha guurtida la diiday.

 

Xildhibaan Dheeg ayaa ku dooday in markii uu xisbiga Kulmiye ka tagayay uu sii arkayay farsamo xumada ka soo muuqatay xukumadda Kulmiye.wuxuu sheegay in xubnaha wakhtigan tagayna ahaayeen kuwo miisaan leh, haddana wuxuu kula taliyay xisbiga Kulmiye inuu ilaashado dadka muhiimka ah si aanu xisbigu u burburin.

 

Daawo Muuqaal: