Musuq Laga Baadhayo Milatariga Nayjeeriya

Nigeria(SLpost)Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa amray baadhis balaayiin dollar musuqmaasuq lagu tuhunsan yahay qaar ka mid ah milatariga iyo ciidamada cirka.

151222173339_muhammadu_buhari_512x288_nigeriasenate_nocredit

Talada ayaa katimid gudi loo sameeyay inay eegaan wax iibsiga milatariga ee ilaa 2007-dii ilaa 2015.Nigeria ayaa la halgamaysa kooxaha islaamiyinnta Boko Xaraam ee jooga waqooyi bari waddanka.

Tusaale ahaan, gudiga ayaa ku eedeynaya ciidanka cirka inuu lacag ku bixiyay diyaarado ka badan inta ay heleen. Xisbiga PDP, oo ku guul daraysatay doorashada sanadkii hore, ayaa ku eedeysay madaxweyne Buhari inuu dad raadsanayo.