Mustafe Cagjar: “Waxaanu ka Codsannay (Muuse Biixi) inuu Caawa Jigjiga noo Raaco”

Wajaale (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa marti-qaad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Md Mustafe Maxamuud Cumar oo ay ku kulmeen magaalo-xuduuddeedda Tog-Wajaale.

Soo-dhaweynta iyo Qado-sharaf Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u sameeyey weftiga DDSI, Madaxweyne Mustafe Cagjar oo hadal ka jeediyey madasha kulanka, ayaa ka hadlay muhiimadda kulanku ugu fadhiyo shacbiga labada dhinac oo uu sheegay inuu horseedi doono isbeddel dhinacyada horumarka, isu-socodka, Ganacsiga iyo Xidhiidhada dibloomasiyadeed ee labada dolwadood.

Haddaba Muuqaalkan Ka Daawo Hadalka uu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka jeediyey Kulanka