Muslimiin ay Soomaali ku jirto oo Mudaharaad ka hordhigay Qunsuliyadda Israel ee Frankfurt iyo Khasaare ka dhashay Isku-dhac Dhexmaray Bannaan-baxayaal Yuhuud ah

BANNAANBAX (3)Franfurt (SLpost)- Mudaharaad Ballaadhan oo lagaga soo horjeedo duullaanka iyo xasuuqa Ciidamada Yuhuuddu u geysanayaan Shacabka Reer Falastiin, ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Germany, gaar ahaan magaalada Franfurt.

Muslimiinta ku dhaqan magaalada Franfurt ee dalka Jarmalka oo ay hormood ka yihiin Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalkaas, ayaa maanta bannaan-bax ka sameeyey Qunsuliyadda Dawladda Israel ku leedahay magaalada Frankfurt.

Bannaan-baxayaasha dareenkooda ku soo bandhigay sida ay uga xun yihiin xasuuqa Israel, ayaa intii uu mudaharaadku socday, waxa ay isku-dhaceen bannaan-baxayaal kale oo u badan Yuhuudda ku dhaqan Jarmalka oo dagaal laysu adeegsaday budhadh iyo Dhagxaan, haseyeeshee waxa markiibaa goobta soo gaadhay ciidamada Ammaanka oo kala dareeriyey dadkii bannaan-baxa dhigayey oo ciidamadu u adeegsadeen Sunta dadka ka ilmaysiisa oo ay ku kala dareeriyeen.

BANNAANBAX (2)
MAXAMUUD CUMAR QAWDHAN, GUDDOOMIYAHA JAALIYADDA SOOMAALIDA FRANKFURT

Haseyeeshee, waxa isku-dhaca dadka mudaharaadayey ka dhashay khasaare soo kala gaadhay labada dhinaca, waxaana halkaas ku dhaawacyo ka soo gaadheen Nin Falastiini ah iyo Lix Qof oo ka tirsan bannaan-baxayaashii Yuhuudda taageeraysay, kuwaas oo dhammaantood dhaawacooda loola cararay cusbitaal ku yaala magaalada Frankfurt.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Frankfurt Maxamuud Cumar Qawdhan, ayaa soo qaban-qaabiyey kaalinta ay Soomaalidu ka qaateen bannaan-baxa ay Muslimiinta magaaladaasi ku muujiyeen dareenkooda sida ay uga xun yihiin Xasuuqa Yuhuuddu ku hayso walaalhooda Reer Falastiin.

Wararkii u dambeeyey ee hadda na soo gaadhay, ayaa sheegay inuu geeriyooday Nin ka tirsan Lixdii Qof ee Yuhuudda ahaa ee Isku-dhacaas ku dhaawacmay oo dhaawac culusi ka soo gaadhay Madaxa.

BANNAANBAX (1)Gobolka Hessen ee magaalo-madadiisu tahay Frankfurt, waxa ku nool Muslimiin tiro badan oo qaarkood yihiin muhaajiriin magan-gelyo doon ah oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey ku sugnaa, waxaana ka mid ah dad Soomaali ah oo hore u deggenaa iyo qaar magan-gelyo doon ah oo dhawaan gaadhay dalkaas.

SOMALILANDPOST.NET