Mushkiladda Hantigoosiga ee Somaliland iyo Mashaakilka Danyarta – W/Q: Cabdirashid Axmed Guuleed

Rashiid Axmed Guuleed

Rashiid Axmed Guuleed
Rashiid Axmed Guuleed

Hordhac

Somaliland maanta waxa ka jira nidaam dhaqaale oo lagu sifayn karo inuu yahay nidaamka loo yaqaano Hantigoosi (capitalism). Nidaamkaasi waxa uu faaiido u yahay ganacsatada waaweyn, isla markaana waxa uu dhibaato ku yahay dadka danyarta ah. Dhibaatadaasi danyarta haysata waxa khafiifin karta dawladda oo mashaariic kala duwan oo waaweyn u hirgelisa si loo yareeyo shaqo la’aanta isla markaana loo kordhiyo dakhliga danyarta.

Qoraalkan hadafkiisu waa in aynu waxyar iska tusaalayno halka ay ku lug leedahay mushkilada dhaqan dhaqaale ee xaaliyan ka taagan Somaliland, si markaasi siyaasad sameeyayaalka iyo go’aan qaatayaasha wadanku ay xisaabta ugu darsadaan oo ay ku talo galaan arrintaasi wax-ka-qabadkeeda.

Nidaamyada Dhaqaale ee kala Duwan

Sida la ogsoon yahay waxa adduunka ka jira laba nidaam dhaqaale oo la kala yidhaahdo Hantigoosi iyo Hantiwadaag. Waxa jira mid saddexaad oo labadaa hore midba inyar inyar kasoo qaatay oo la yidhaa nidaamka isku-jirka (mixed economy).

Nidaamka dhaqaale ee Islaamku waa mid gooni ah oo isaga aynu mar gooni ah waxka taaban doono Inshallah.

Bal aynu waxyar ka sheegno labada nidaam ee kala ah Hantigoosiga iyo Hantiwadaaga iyo ka saddexaad ee labadaasi ka farcamay ee loo yaqaano ka isku-jirka ah (Mixed Economy).

a)      Nidaamka Hantiwadaaga (Socialism/Marxism)

Nidaamkani wuxuu odhanayaa hantida oo dhan waxa umadda gacanta ugu haynaysa dawladda. Wax hanti ah oo gaar loo leeyan karaana ma jirto. Waana nidaamkii lagaga dhaqmi jiray dalkii Soofiyeetka la odhan jiray ee burburay. Nidaamkani adduunka wuu kasii dabargoayaa oo waxa ku sii hadhay dhawr meelood oo ay Kuuba ka mid tahay. Waana nidaamkii ay xukuumadii Siyaad Barre dalka kuwadi jirtay isagoo layara badhxay.

b)      Nidaamka Hantigoosiga (Capitalism)

Nidaamka hantigoosadka ah waa ka dunida inteeda badan lagaga dhaqmo. Nidaamkani wuxuu aaminsan yahay in hanti kulligeed ay iska yeeshaan dadka shicibka ahi ama shirkado ha ahaadeen ama ashkhaas ha ahaadeene. Nidaamkani meesha uu si sax ah uga hirgalay waa Maraykanka iyo Yurubta Galbeed.

Yurubta bari dumintii gidaarkii Berlin ee labada Jarmal kala hayay kahor waxa ay ahayd shuuci ama hantiwadaag. Mixwarka nidaamkani waa suuqa xorta ah iyo xoogaga doonista (demand) iyo keenista (supply).

Nidaamkan hantigoosadku dawladda kaalinta kaliya ee uu u ogol yahay waa in ay cashuur qaado si adeega bulshadda (sida biyaha laydhka, wadooyinka IWM) ay ugu fuliso. Nidaamkani waa ka lagu dhigto jaamacadaha dhaqaalaha intooda badan.

Waxaan odhan karaa nidaamka dhaqaale ee haatan ay Somalialnd ku dhaqantaa waa kan hantigoosadka  ah.

c)       Nidaamka Iskujirka ah (Mixed Economy)

Nidaamka iskujirku wuxuu odhanayaa hantigoosadka iyo hantiwadaaga halaysku dhafo. Midba inta uu

ku wanaagsan yahay ayuu kasoo qaadanayaa. Hantida gaarka loo leeyahay wuu ogolyahay ta lawada leeyahayna wuu ogol yahay. Nidaamkan waxa inta badan isticmaala wadamada soo koraya (developing states). Nidaamkan waxa ku dhaqankiisa ku faaiiday dalka Shiinaha. Shiinuhu wuxuu leeyahay warshado waaweeyn oo ay dawladdu gacanta ku hayso, faaidada kasoo gashayna loo isticmaalo horumarinta danta guud. Isla markaana dalka Shiinaha waxa laga ogol yahay koboca hantida sida gaarka loo leeyahay.

Nidaamka Dhaqaale ee Somaliland ka Jira

Sidaan korkusoo sheegnay nidaamka haatan Somaliland ka jiraa waa nidaamka hantigoosadka ah, nidaamkaasi oo mixwarkiisu yahay suuqa xorta ah (free market) iyo xoogaga doonista iyo keenista.

Mana aha in nidaamkan keenistiisa ay cid gaar ahi si gaar ah uga masuul tahay. Waxa keenay uun suuqa xorta ah. Si kastaba ha ahaatee waxaynu waxyar ka taabanaynaa bal waxa uu nidaamkani Somaliand u taray iyo dhibaatada uu ku hayo.

Waxa uu Saxay Hantigoosadka Somaliland

Waxaan odhan karaa Hantigoosadka Somaliland wax badan ayuu saxay. Marka hore waxa suuro gashay in maciishada dalka lagu isticmaalo oo dhan la helo oo aad kasoo iibsan karto suuqa magaalada markaad lacag haysatid. Waa ta labaade, nidaamkani waxa uu suurto galiyay keenida qalabka telefoonada oo maanta Somaliland dhinaca telefoonada ka horayso wadamo geeska Africa ku yaala. Waa ta saddexaade, waxa uu nidaamkani suurto galiyay helitaabka adeega laydhka markaad lacag buuran haysatid. Laydhku gurigaaga ama meheradaada ka bakhtiyi maayo inta ay jeebadaadu wanaagsan tahay.

Waa ta afraade, waxa uu nidaamkani suurto galiyay soo dhawaynta biyaha. Tusaale ahaan caasimadda Hargeysa inteeda badan waxa biyaha keena booyado si gaar ah loo leeyahay. Waa ta shanaade, waxa uu nidaamkani suurto galiyay inaad hesho shirkado dhisme oo si dhakhso leh kuugu dhameeya wixii dhisme ah eed u baahato. Waa ta lixaade waxa uu nidaamkani suurto galiyey inaad hesho waxbarasho noocaad u baahan tahay, adeega caafimaadkuna inuu kordho ayaa suurto gashay.

Waxa uu Sixi Kariwaayay Hantigoosadka Somalialnd

Nidaamkan hantigoosadka ah ee Somaliland waxyaabo dhawr ah ayuu ku dhacay. Waa ta koowaade, waxa uu ku dhacay inaad caruurtaada u hesho waxbarasho tayo leh oo bilaash ah. Intii ay xukuumadan Silaanyo ay timid ayaa loo tiriyaa helitaanka waxbarashada bilaashka ah. Waa ta labaabe, waxa uu nidaamkani ku dhacay inuu waxka qabto shaqo la’aanta. Waxa maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaya shaqo la’aanta dalka ka jirta oo haddii aan degdeg wax looga qaban dhibaatooyin waaweyn dalka u keeni kara sida nabadgelyo darada. Waa ta saddexaade, nidaamkani waxa uu ku dhacay in uu waxka qabto waddo la’aanta wadanka ka jirta. Wado la’aantuna waa dhibaatada ugu wayn ee Somaliland maanta ka jirta. Isku soo duuduub oo manta danyarta reer Somaliand xaaladoodu waa mid aad u adag maadaama nidaamka dhaqaale ee Somaliland ka jiraa uu yahay Hantigoosad aan la badhxin.

Sida loo Sixi Karo Dhibaatada Hantigoosadka Somaliland

Dhibaatada uu hantigoosadku Somaliland ku hayo sidee looga bixi karaa?

Waxa looga bixi karaa sidan soo socota. Kow, in la helo wadashaqaynta hantiilayaasha iyo dawladda oo markaasi la dhaqan geliyo nidaamka dhaqaale ee loo yaqaano ka isku jirka ah. Arrintani waxay keeni kartaa in la abuuro warshado waawayn oo wax-soo-saar, warshadahaasi oo ay wada leeyihiin xukuumadda iyo hantiilayaashu. Caadi ahaan waxay ahayd inay dawladu aasaasto shirkado ay 100% iyadu gacanta ku hayso kuwaasoo loogu talo galay badinta wax-soo-saarka iyo yaraynta shaqo la’aanta.

Laakiin waxa jirta in dawladu aanay si sahlan ku heli karin dad karti u leh maamulka shirkadahaasi, oo waxa dhibkaasi lagaga gudbi karaa in dawladda iyo hantiilayashu ay raasamaalka isku darsadaan si guul looga gaadho aasaaska iyo wadista shirkadahaasi oo loo baahan yahay in saamiga intiisa badan ay dawladu yeelato, maamulka intiisa badana ay yeeshaan hantiilayaasha maalgashiga shirkadahaasi ku sameeyey. Iskaashiga dawlada iyo hantiilayaashu waxa uu xal u noqonayaa laba arrimood oo kala ah in shaqa la’aant baahsan xal loo heli iyo in musuqmaasuqa laga hortago.

Ta labaad ee dhibka hantigoosiga lagaga bixi karaa waxa weeye iyadoo ay dawladu shicibka ay ka haqab tirto adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada ilaa dugsi sare, adeega caafimaadka, adeega laydhka, adeega biyaha, iyo adeega wadooyinka. Sida dawladda Somaliland ee xilligan talada haysaa ay mashruucaasi danta guud uga soo wada baxayso halmar wax sahlan maaha. Laakiin waa waajib taagan oo aan ka dhacahayn.

Waxaan qabaa in haddii ay xukuumadu samayso daraasado ku saabsan mashaariicdaasi shaqo abuurka iyo kuwa danta guud ee adeega bulshadda ah inay maaliyada lagu fulinaayo ay ka heli karto dhawr hayadood ama dawladood oo deeqbixiyeyaal ah. Wadahadalada xilligan u socda Somaliland iyo Somaliyana waxa uu keeni karaa in Somaliland ay si fudu ku hesho deeq dhaqaale oo mug leh, taasi oo ay ka afxidhnayd mudadadii 22ka sanadood ahaa ee ay soo jirtay.

By Cabdirashid Axmed Guuleed