Musharrax U Taagan Madaxtinimada Somalia Oo Sheegay In Kuraasta Aqalka Sare Ee Galmudug Dhaqaale Loo Adeegsaday

(SL.Post)  Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaadheen warar sheegaya in lacago aad u fara badan lagu iibsaday Tartankii Kuraasta Aqalka sare ee Galmudug.

musharax-cabdiraxman-cabdishakur-624x351

Fariin muuqaal ah oo Musharaxu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay ololaha loogu jiro kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka, isagoo xusay in siyaasada Soomaaliya ay isu bedeshay seylad laga ganacsado oo loo soo dhaqaale doonto.

“Waxaa na soo gaaraya fariimo sheegaya in Tartankii kuraasta Aqalka sare ee Galmudug lacago fara badan lagu iibsaday, waxaa kaloo maqalnay in ergooyinka dooran lahaa Aqalka Hoose dhaqaale la gelinayo oo codka Halkii Ergo uu joogo 5-kun oo dollar”. ayuu yidhi Cabdiaxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu intaas raaciyey, “Siyaasadu ma ahan meel laga ganacsado, loona soo doonto dhaqaale iyo hanti, siyaasada waxaa la yiraahdaa mida SYL ay u soo halgameen oo dhiigooda, maalkooda iyo hantidooda u hureen, siyaasada waxaa laga dhigay sidii seylad suuq lacag lagu kala gadanayo, dowladnimo ma dhalineyso, qaranimo iyo sharaf ma keeneyso taas”ayuu si kulul u yidhii Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Somalilandpost.net