Musharixiinta Xisbiga Kulmiye oo Lagu Wargeliyay in ay Xarunta Iska Xaadiriyaan Si Loogu Sheego Shuruudaha Tartanka

 

Hargeysa(SLpost):-xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa wargelin u diray guud ahaanba musharaxiinta doonaya inay ka/ku tartamaan shirka golaha dhexe ee xisbigaasi.

Warsaxaafadeedkan laga soo saaray xarunta xisbiga kulmiye ee musharaxiinta lagu war geliyey inay yimaadaan xaruntaas si loogu sheego shuruudaha la xidhiidha musharaxnimadooda, ayaa ku soo beegmay wakhti deeradu dhex miranayso musharixiinta xisbiga oo ku kala faylay laba saf oo hirdan culusina ka dhexeeya, taasi oo sababtay in garabka isbahaysiga ee musharixiinta ugu badani ka mid yihiin in uu qaadaco shirka, haddii aan waxba laga bedelayn qaabka loo wado qabanqaabintiisa.

Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost waxa uu dhignaa sidan:

 

Ku: Dhammaan Murrashaxiinta Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE

 

Ujeeddo: Wargelin Muhiim ah

 

Dhamaan murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo u muddaysan maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, waxa lagu wargelinayaa inay ku yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda JSL Hargeysa muddo saddex maalmood ah gudahood oo ka bilaabmaya 04/11/2015 (Arbaca, Khamiis iyo Sabti), si loogu sheego shuruudaha u yaal murrashaxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda.

Haddaba, waxa mar labaad lagu adkaynayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay maalmahaas iska soo xaadiriyaan xarunta KULMIYE, iyadoo ciddii muddadaas gudaheeda ku imanwayda loo aqoonsanayo in aanay danaynayn tartanka murrashaxnimada xisbiga gudihiisa ee shirka Golaha Dhexe.

 

ALLA               MAHAD     LEH

 

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf