Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Oo Si Kulul U Canbaareeyey Xeerka Saxaafada Ee Ay Xukuumadu Waddo, Kana Hadlay Xadhiga Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Deegaanka Gebilay

Hargaysa(SLpost)Musharaxa madaxweyne ee xisbiga  Ucid ayaa si kulul u canbaareyey xeerka ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada ee ka soo horjeeda madax banaanida  warbaahinta somaliland. Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid waxa uu sheegay in xeerkan ay xukuumadu wado yahay mid cabudhin ah isaga oo shacabka Somaliland, xildhibaanada golaha wakiilada iyo qaybaha kala duwan ee warbaahintaba u soo jeediyey inay ka dhiidhiyaan xeerkan waxaanu yidhi ?xeerkan la wado waxaan leeyahay waa xeer cabudhin ah waana xeer aan u wanaagsanay saxaafada Somaliland, haddii uu xeerkaasi inagu hir gelana waxa uu noqonayaa musbaarkii ugu danbeeyey ee lagu dhufto naxashka lagu aasayo saxaafadii xorta ahayd ee Somaliland,arin laga filayey xukuumada talada haysana maaha waxaanan xukuumada xasuusinayaa in markii ay ololaha ku jireen ee ay Kulmiye ahaayeen waxay mar walba ku doodi jireen inay saxaafadu xor ahaato, waxaana la hal gantay saxaafada laakiin waxaad moodaa inay ka dheereeyeen dhinaca cabudhinta saxaafada xukuumadii ka horaysay ee Daahir Rayaale, markaa waxaan leeyahay wax la qaadan karo maaha xeerkan socdaa waana xeer ka baxsan dastuurka Somaliland, markaa waxaan ku dhiiri gelinayaa xildhibaanada golaha wakiilada, qaybaha kala duwan ee warbaahinta iyo shacabka somaliland-ba ka dhiidhiyaan xeerkan xisbi ahaana waanu ka soo hor jeednaa xeerkaas.? Ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.

 

jamal

 
Sidoo kale musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid waxa uu canbaareeyey  xadhiga xildhibaan ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee  Gebilay  waxaanu yidhi ?imika waxaynu gaadhnay in xildhibaanadii golaha deegaanka cabudhin gaar ah lagu sameeyo tii ugu danbaysana waxa lagula kacay xildhibaan ka mid ah golaha deegaanka ee Gebilay in xabsiga loo taxaabo iyada oo aan nidaamkii sharciga ahaa aan la marin in xildhibaan iyo qof kasta oo reer Somaliland ah tuhun lagu xidho mid wanaagsan maaha, waxaanan leeyahay xukuumada arimaha noocaas ah ha laga waantoobo.?ayuu yidhi musharaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.