Musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen oo casuumaad ka heley dowlada Sweden .

Hargeysa ( SLpost) Musharaxa Madaxtinimada ee Xisbiga UCID Mudane jamaal Cali Xuseen oo  aanu wareysi ka qaadney ayaa noo sheegey inuu uboqooli doono dalka Sweden waxaanu hadalkiisa ku bilaabey:

 

CASUUMAD AANU KA HELNAY DALKA SWEDEN XISBIGGA socialdemokraterna
Waxaan jecelahay inaan idinla wadaago in aan u boqooli doono waddanka Sweden bisha september 26th Inshallah, oo muddo 9 cisho ah aan ku maqnaan doono ka dibna waddanka dib ugu soo noqon doono, halkaasi oo aan casuumad official ah ka helay Xisbigga socialdemokraterna (Social Democrat) ee dalka Sweden oo ay casuumaddaasi milgaheeda ay ka shaqaysay Ifrah Ali Kirih oo ah.

 

wera

Xildhibaan ka tirsan xisbigaasi dalka SWEDEN oo laga soo doortay golaha deegaanka ee magaaladda Jönköpingay. Waxaan kale oo kulano la qaadan doonaa jaaliyaddaha reer Somaliland ee magaalooyinka Sweden qaar ka mid ah. Waxa kale oo aan la kulmi doonaa qolooyinka deeqaha bixiya, safarkayguna waa in Somaliland la horumariyo oo caalamka laga dhaadhiciyo iyo dalka Sweden, loona cadeeyo baahiyaha ka jira halkani si ay kelmadaasi iyo kuwii ka horeeyayba ugu dhiirigeliyaan Somaliland iyo xidhiidhkeena dalka Sweden. Kolay xisbigga UCID ee dalka Sweden iyagana kulan ayaan la qaadan doonaa Inshallah. Markuu safarku soo dhawaadana wixii faah-faahin dheeraad ah waan la wadaagi doonaa Inshallah. Wabilaahi Tawfiiq.

Somalilandpost.net

Hargeysa