Musharaxa Cruz oo ku guuleystay codadkii Jamhuuriga Iowa iyo Donald Trump oo hoos u dhacay

Us(SLpost)-Musharaxa madaxtinimada Maraykanka Ted Cruz, ayaa ku guulaystay codadkii ugu horreeyay ee isreebreebka musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee lagu qabtay gobalka Iowa.

_85478328_gettyimages-487396244

Wuxuu helay 28% codadkii la dhiibtay ee Jamhuuriga. Waxaa ku soo xigay ninka la filayay in uu ku guulaysan doono codadka ergada Donald Trump oo helay 24%.

Iyadoo codadkii Dimuqraadiga kalabar ka badan la tiryay ayaa musharaxa Hilary Clinton, waxa ay aad isaga ag dhawayihiin ninka kula loolamaya hogaanka xisbiga Senator Bernie Sanders.

Ergada Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa isugu soo aruuray in ka badan kun goobood oo ka tirsan gobalkaasi.