Musharax Jamaal Oo Si Cadho Leh Uga Hadlay Hadal Ka Soo Yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir

Hargeysa(SLpost)-Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay hadal maanta ka soo yeedhay suldaan Maxamed Suldana Cabdiqaadir kaas oo ahaa inuu ka huleelo xisbiga Ucid oo uu ku tilmaamay mid lagu lugaynaayo.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya hadalkii ka soo baxay suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir ee la xidhiidhay xisbiga Ucid ayaa waxa uu yidhi “Suldaanka guud ee somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ixtiraam weyn iga mudan, hadaladiisa oo ku wajahnaa xisbiga Ucid iyo khilaafka xisbiga, suldaanku waxa uu yidhi xisbiga Ucid waxba ma yaalaan, dadkana ka soo guura oo xisbiga waddani u soo guura, isaga oo waliba yidhi

Jamaal-na xisbiga Waddani haw soo guuro oo waxba uma yaalaan xisbiga Ucid oo waxaan u sheegay inuu xisbigu Iib yahay oo nin leeyahay.” Ayuu yidhi Musharax Jamaal oo u Waramay HCTV.

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay go,aankii ugu danbeeyey ee ay isku ogaayeen suldaan Maxamed waxaanu mar kale yidhi ““Horta aniga Suldaanka waxa iigu war danbaysay maalintii Axadii markii kulankii odayaasha dhex dhexaadiska ahaa, waxaanu ahaa oday weyn oo hadalo badan ka yidhi kulankii guddida iyo saxaafadaba, xisbiga Ucid ninkii iigu yeedhay ayuu ahaa markii ugu horaysay ee aanu ka wada hadalnay, ragii damaanada ahaa ee Faysal soo kaxaystay oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamed, Xildhibaan Dheeg, Xaaji Cabdiwaraabe, Khadar Axmed Like, Boqor Raabi iyo rag kale oo beeshiisa ka soo jeeda oo aan ixtiraam badan u hayo, laakiin waxa isku kay qaban waayey hadalkii uu Axadii yidhi iyo hadalkan uu maanta yidhi waana laba cirka iyo dhulka isku jira, anigana hadalkii iskugu kaaya danbaysay waxa uu ahaa inaan cidna laga yeeli doonin inay xisbiga kaligeed duuduub ku haysato.” Ayuu yidhi Musharax Jamaal Cali Xuseen