Musharax Indho-Indho oo Sheegay in uu Hambalyeynayo Haddii Lagaga Guulaysto Xilka uu u Tartamayo

 

Hargeysa (SLpost) – Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Md Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indho-indho), ayaa shaaciyey inuu Hambalyeyn  Haddii lagaga Guulaysto Kursiga Madaxweyne-ku-xigeen ee uu higsanayo. Cabdiqaadir Indho-indho oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay wargeyska Hubaal, ayaa caddeeyey inuu kaslooni ku qabo hankiisa musharraxnimo, isla-markaana uu si kal iyo laab ah u hambalyeyn doono Cidkasta oo Xisbiga Dhexdiisa kaga guulaysata Kursiga uu haatan raacadada ugu jiro, “waxan diyaar u ahay inaan hambalyeeyo cidkasta oo Kursiga aan u tartamayo ee Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye igaga guulaysata, kalsooni buuxdana waan ku qabaa natiijo kasta oo kasoo baxda Cidda ka garsooraysa shirweynaha dambe ee lagu dooran doono Musharraxiinta jagada madaxweyne-ku-xigeenka u taagan, markii aan gu’aan saday inaan is sharraxo waxan aaminsanaa in Guul iyo guuldarroba jiraan oo labada aan la kulmi karo.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

 

Musharrax Indho-indho oo Hadalkiisa sii wata, ayaa  sidoo kale xubnaha kale ii dhiggiisa ah usoo jeediyey inay dadka u sheegaan Mawqifkooda ku aaddan haddii waxa ay raadinayaan ay waayaan, waxana uu yidhi, “Musharixiinta kale ee dhiggayga ahi ha caddeeyaan Mawqifyadooda ku aaddan waxa ay yeelayaan Haddii ay waayaan Waxa ay doonayaan, waana inay sidayda oo kale Bulshada u sheegaan Mawqifkooda si aanay bulshadu u warwarin”. Cabdiqaadir Maxamed Indho-indho, ayaa ah Musharraxa kali ah ee ilaa haatan caddeeyey mawqifkiisa ku aaddan waxa uu yeeli doono Natiijada Musharraxiinta Xisbiga ka helaan marka lasoo saaro, waxana uu tilmaamay inuu Diyaar u yahay Hambalyeynta cid kasta oo guulaysata.