Mushaharrada Shaqaalaha Dawladda oo la hagaajiyaa waxay horseedi kartaa caddaalad bulsho iyo yaraynta musuq-maasuqa ~ W/Q: Garyaqaan Cabdikariim (Suldaanka)

Waxaan doonayaa manta inaan maqaalkaygan ku soo qaato musharada shaqaalaha dawlada oo la hajaajiyaa wax hagaajin karto.

Wadanka kasta oo aduunka  mid ah horumarkiisu waxa uu ku xidhan yahay sida uu uga faa’iidaysto maskaxda dhalinyaradiisa iyo kobcinta garaadkooda iyo haddaba taageerada iyo musharka la siiyo shaqaalaheeda. Markasta oo shaqaalaha la hagaajiyo mooralkooda iyo niyad samaantooda waxaa hagaagaysa oo qurux badnaanaysa shaqada ay qabanayaan

Sida aan la wada socon shaqaalaha dawladu waa laf dhabarta horumarkaiyo  maamulka dawliga ah haddaba hirgalinta siyaasad lagu xadaynayo mushaharka ku filan oo ay qaataan shaqaalaha dawladu waxay u horseedi kartaa dalka caddaalad bulsho iyo yaraynta musuqmaasuqa, sababtoo ah qofkasta oo shaqaale ah waxa uu xaq u leeyahay inuu helo mushar iyo gunno ku filan oo kaafiyaysa nolol maalmeedkiisa iyo ta qoyskiisaba.

Waxaan la soconaa shuruucda caalamiga ah iyo ta wadanka lagaga dhaqmaama waxay dhiirigalinayaan ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo sinaantoodaba, waayo qofkasta oo shaqaale ahi waxa uu xaq u leeyahay in kor loo qaado mooralkiisa iyo musharkiisaba.

Mar kasta oo qofka shaqaalaha ah la hagaajiyo musharkiisa iyo mooralkiisaba waxaa dhalanaysa caddaalad bulsho oo waxa meesha ka baxaya cadaalad daradii waxana yaraanaya musuqmaasuqa ay ku kacayaan ,waxaan o gbahay qofka aadamaha ah marka kasta oo baahidiisu badato inuu ku kacaya musuqmaasuq iyo wax isdaba marin isaga oo dadka uu adeega u qabanayo ka qaadanaya laaluush iyo lacag aanuu xaq ugu lahayn si uu hawshooda ugu fududeeyo ,agowoo shaqada uu bulshada qofka shaqaalaha ahi wax u qabanayaa waa ta u mushaharka  ku qaadanayo xaqna uguma laha dadka inuu waydiiyo lacag aan meesha oolin.

Waxaa jira shuruuc iyo qawaaniin ilaalinaysa waajibaadka iyo xuquuqda shaqaalaha dawlada  musharadooda iyo gunadooda. Qaaciido caalamiya ayaa sheegaysa oo odhanaysa “dhamaan dadka oo dhami waa siman yihiin sharciga hortiisa, qofna kama sareeyo sharciga”.

Taas macnaheedu waxay tahay inaan qofna la siinayn sadbursi dheeriya, midna aan hoos loogu dhigay xuquuqdiisa sida musharadiisa iwm.

Haddii la sameeyo ama la hirgaliyo siyaasad cad oo shaqaalaha dawlada loogu xadaynayo mushaharo ku filan taasi waxay keenaysaa cadaalad bulsho iyo musuqmaasuq oo yaraada.

Shaqaalaha dawladu musharada ay qaataan aad bay uga yar tahay musharada shaqaalaha gaarka ah wxaad arkaysaa qof shaqaalegaar ah oo saacado kooban ku qaadanaya boqolaal doolar mid kale oo shaqaale dawladeed ah oo qaadanaya gabigiisuba waxaan dhamayn boqol doolar (100$), taasina waxay shaqaalaha u horseedaysaa cadaalad daro balaadhan iyo shaqaalenimada dawlada oo laga niyad jabo ama waxay kordhinaysaa musuqmaasuq baahsan oo yimaada

Muddooyinka danbe waxa ay dawlada soomaaliland wadaa siyaasad ama qorshe kor loogu qaaday musharada shaqaalaha dawlada iyada oo hore kor ugu qaaday intii ay qaadan jirineen markii hore hadana waxaa muuqata in musharada shaqaaluhu aanay mid ku filan baahiyahooda iyo nolosha qoyskooda minaba.

 Markasta oo shaqaalaha la hagaajiyo mooralkooda iyo niyad samaantooda waxaa hagaagaysa oo qurux badnaanaysa shaqada ay qabanayaan ama adeega wanaagsan ee ay dadka siinayaan iyaga oo aaminsan waxay kursiga u fadhiyaan musharkana u qaadanayaan inay tahay u adeegiga bulshada kala duwan maalin walba soo booqanaysa xafiisyadooda si loogu qabto waxa ay u baahan yihiin uagana kulmaansoo dhaweyn fiican iyo qaabilaad ku haboon.

In la sameeyo oo la hirgeliyo siyaasad lagu xadaynayo mushaharada shaqaalaha dawladu waxay horseedi kartaa shaqalaha oo si caddaaalada u hela xaqooda si mid ah shaqaalaha kale ee gaarka ah iyo bulshada oo ka raysata musuqmaasuqan la ragaadiyay qaar ka mid ah xafiisyada  dawlada ee looga adeegayo bulsho weynta, sida oo kale waxa meesha ka baxaysa wax loo bixiyay waa xaqal qalinkii ama iska bixi shaaha anaa soo kala tuurayee. Waxaa maqaalo ah in goobaha qaarkood aad kala kulmaysid dad ku odhanaya “anaa ka soo dhamaynaya gaasimaha hawshada ee iska bixi canihiisa waayo adiga waxay kaa qaadanaysaa process dheer iyo hawl dheer.”

Waxan la soconaa in musuqmaasuqa waxa keenaa uu yahay shaqaalaha oo saluuga musharada ay qaadanayaan ama iyada oo waxba u gayn wayda waayo waxaa sanadba sanadka sii danbeeya isa sii bedelaya dhaqaalihii iyo macuushadii aduunka reerka shalay isticmaalay qadar lacag ah oo yar(100$) maanta waxba uma goynayso oo lacagtiiba way qiimo dhacday, waxaa laga yaabaa inay soo siistaan oo kaliya dhanaaniska oo aanay helin waxay raashin siistaan, caruurta fiiga dugsiga kaga bixiyaa iwm.

Isku soo wada duuboo waxaa loo baahan yahay in dawladu ay dajiso isla markaana ay hirgaliso qorshe cad oo lagu kobcinayo mushaharada ay qaataan shaqaalaha dawladu si ay meesha uga baxdo wax isdaba marinta iyo lunsiga hantida dadweynaha ka dhexeeya ee ay gacanta ku hayaa amaba ay u hagaagto shaqooyinka kala duwan ee ay u qabanayaan bulshada kala duwan.

Shaqaalaha dawladana waxaan u soo jeedinayaa walaalay aamina waxa yar ee ilaahay idinka siiyo dawladii ee musharada ah way idiin barakoobaysaaye ka ilaaliya inaad ku korisaan ubadkii oo ka fogaada laaluusha iyo musuqmasuq. Diinta islaamkuna way inaga nahiday laaluusha qaadashadiisa iyo bixintiisa waana xaaraan cad

Ilaahay waxa uu quraankiisa inoogu sheegay ‘inuu isagu yahay mid wax arsaaqa ka ugu khayr bada “ ina laaha khayru raasiqiin”

Waa qalinkii: Garyaqaan Cabdikariim Sh. Maxamuud Cabdilaahi “Suldaanka”

Suldaancabdi4@hotmail.com

79042120