Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Digay in Ololaha Doorashada laga Dhigo Rabshado iyo Isku Dhacyo

Boorama (SLpost)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka digay in ololaha axsaabta siyaasadda ee loogu diyaargaroobayo doorashada madaxtinimada u qorshaysan 13-ka bisha soo socota ee November laga dhigo kuwo rabshado iyo isku dhacyo ku dhexmaraan qaybaha bulshada Somaliland ee nabadda ah.

Murrashax Muuse Biixi oo fagaaraha Khayriyada Boorama khudbad dhinacyo badan taabanaysa uga jeediyey kumanaan taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan xarunta Gobolka Awdal maanta, waxa uu cambaareeyey oo uu ku tilmaamay badownimo dhallinyaro weerar u gaysatay guriga murrashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro iyo kuwo kale oo burburiyey xafiisyadii xisbiga KULMIYE ee bariga Hargeysa.

Ugu horreyn waxa uu si wayn ugu mahadceliyey shacabka reer Boorama oo taageero baaxad leh ugu muujiyey fagaaraha khayriyada, isla markaana waxa uu sheegay inuu qaatay farriimaha shacabku farayaan.

“Waxaan u mahadnaqayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Bari iyo Galbeedba isaga kala yimi ee i taageeraya. Maanta halkan aad isugu timaadeen iyo cadceedan aad taagan yihiin iyo dadaalka waxaad u muujiseen farriinta aad na faraysaan waan qaadanay, farriinta aad na faraysaan waa maxay? Farriintiina waxa ka mid ah in la helo sinnaan iyo caddaalad Somaliland oo dhan, waxa ka mida in aqoonta hore loo mariyo, dhallinyarada shaqo la’aanta laga saaro,” ayuu yidhi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Reer Boorama waxa u gaara Waddada isku xidha Lawyo-cado iyo Boorama, intii aan noolaa nooshayda waan marayey waddadaas, Lawyo-cado, Caasha-cada, Feedha-wayn, Xariirad meel aniga iyo hooyaday gaadhi aannu nagula jabin oo aanan maalmo fadhiyin ma jirto, dhibta ay leedahay baabuurta waxa ku dhacana waan aqaana, soddon sanno ayaan marayey ilaa iyo carruurnimadeydii maskaxdayda way ku sawiran tahay, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan waddadaas idiin sameeyo. Maaha reer Booramow cod ayaan idinkaga doonayaa ee qaranka ayaa u baahan, dhibaatada ay leedahay ayaan garanayaa, waxaana wanaagsan inay ummaddu isku xidhanto.”

“Haddii Ilaahay yidhaahdo qorshahayagu waxa uu yahay waddada Saylac ka soo bilaabanta ee Boorama marta inay Ceerigaabo marto oo ay Badhana u gudubto, inay isku xidhmaan dhinaca waddooyinku, dhinaca is-aaminaada, taas ayaan xisbiga KULMIYE ku hoggaaminaynaa oo farriintiina ka muuqata. Waxa kale oo fariintiina ka mida Boorama waa magaalo Buuraleya oo xadku wuu ku dhowyahay khayraadku xagga badda ayuu ka xigaa intaas oo waddo ayaa ka dhaadhacda buuraha waa khasab in Boorama loo furo waddooyinka xeebta, taasi waxay ku xidhan tahay wadajirkeena. Marka aynu bilowno inaynu qodano macdan dhammaanteen waa inaynu gacmaha is-qabsano, maaha mid la isku dhacayo, maaha mid la boobayo waxaynu ku shaqaynaynaa dawlad daacadnimo ah.”

Md. Muuse Biixi waxa uu xusay in gobollada galbeed ee dalka ay masuuliyad wayni saaran tahay xilligan doorashada, “Xil ayaa ina saaran oo maanta tijaabo ayaan ku jirnaa haddii aynu nahay Somaliland Gobollada Galbeedka xil ayaa inna saaran, xilku waxa weeye laba murrashax oo Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ah ayaa Gabilay iyo Boorama ah, Somaliland oo dhan waxay eegaysaa sidaynu wax u maamulno, waxa uu xilku sii saaran yahay reer Boorama, waayo aqoontii ayaad sheegateen oo ilbaxnimadii ayaad qaadateen, Somaliland ayaa halkan lagu aasaasay, Calanka Somaliland waxa sameeyay Cabdalle oo halkan gurigiisu yahay, Heesta astaanta qarankana waxa sameeyey Abwaan Xasan Sheekh Muumin,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu shacabka reer Boorama ee kala taageersan xisbiyada siyaasadda ku ammaanay ilbaxnimo ay dheeraadeen dhigooda Hargeysa oo isku dhacyo iyo rabshado ka dhigay ololaha doorashada, waxaannu ka digay in arrintaasi sii socoto.

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Boorama waxay hoggaamisaa il-baxnimada dalka inaad ilbaxnimada hoggaamisaan oo aad ka soo jeedaan Saylac iyo xadaariyadii fogayd ayaan idiin sheegayaa, xalay markii aan Hargeysa ka soo baxaynay waxay dhallinyaradii reer Hargeysa sameeyeen wax fool-xun. Shirka intaas le’eg ayaad isugu timaadeen oo kii Waddani ahaa iyo kii KULMIYE ahaa idinka oo walaalo ah ayaad fagaaraha isugu soo baxdeen. “Dhallinyaradii Hargeysa waxay sameeyeen ceeb fool-xun oo waxay shiideen Guddoomiyaha xisbiga WADDANI aqalkiisa waa badownimo oo waanu diidanahay oo waanu ka soo horjeedna oo aqbalimayno.

“Xalay aad ayey isku shiideen dhinaca Bariga Hargeysa oo xafiisyadii KULMIYE ayey shiideen, waxaasina waa ceeb iyo badownimo, dimuqraadiyadu sidaas maaha, idinka ayaan idinku bogaadinaynaa fagaarahan maanta aad isugu soo baxdeen, kuwa Hargeysa cashar ayaad u dhigteen,” ayuu yidhi.

 

DAAWO: KHUDBADDA MURRASHAX MUUSE BIIXI