Murrashax Muuse Biixi oo soo kormeeray goobaha ay codayntu ka socoto ee degmooyinka caasimadda Hargeysa (DAAWO SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo kormeeray goobaha ay doorashada madaxtooyadu ka socoto ee ku yaalla degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa ka kooban tahay.
Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan xubno kooban oo kamid ah xisbiga KULMIYE, ayaa socdaalkooda indho-indhaynta ah ugu guurgalay sida ay codayntu u socoto, waxana ay xubnaha goobaha ka shaqaynayey si kooban ugala sheekaysteen habsami-u-socodka shaqada codaynta si meesha looga saaro wixii carqado ah ee dib udhigi kara xawaaraha loo qoondeeyey inuu muwaadin kastaa codkiisa ku dhiibto.

muse2Kormeerka uu guddoomiyuhu ku sameeyey degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa, waxa uu kusoo arkay dadweyne tiro badan oo si habsami leh safafka ugu jira, diyaarna u ah inay codkooda si nabadgelyo ah u dhiibtaan.

muse mu mud muds muuse qaqa qaa mmu mm myy muuse1