Murrashax Muuse Biixi oo Farriin Ku Saabsan Maalinta Doorashada u Diray Shacabka reer Somaliland, Taageerayaasha KULMIYE-na si gaar ah ula Dardaarmay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland u diray farriin ku saabsan maalinta doorashada madaxtooyada Somaliland oo berri oo Isniin ah ku beegan, waxana uu ugu baaqay inay nabadda iyo xasiloonida dhawraan, isaga oo si gaar ahna u diray taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

FB_IMG_1510486343580Murrashax Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn si guud ula dardaarmay shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqay inay nabadda dhawraan, dadka jilicsan iyo waayeelkana xaq-dhawraan, waxana uu yidhi, “Dadweynaha reer Somaliland meel ay joogaanba waxan ka codsanayaa inay nabadgelyo ku codeeyaan oo is-xaqdhawraan, sida sharcigu dhigayona safafka dadka jilicsan sida gabadha uurka leh, qofka naafada ah, dadka da’da ah iyo ka buka xeerka doorashooyinka ayey ku taallaa in la hor mariyee waa in si wacan loo hor mariyaa, dhallinyaradana waxan ka codsanayaa inay berri aad ugu dedaalaan nidaamka iyo nabadgelyada.”
Murrashaxu waxa uu si waafi ah u sharraxay ujeeddada ku duugan codaynta maalinta berri ah loo dareerayo, waxana uu tilmaamay in cidda dalka hoggaamin doontaa ku jirto gacmaha bulshada codkooda dhiiban doonta, “Codkaasi ma aha saddexda nin uun baa la kala dooranayaaye Somaliland oo dhan baa loogu hiilinayaa, ictiraaf baynu ku doonaynaa oo caalamka ayeynu kula garnaqsanaynaa waxana aynu tusaynaa inaynu nahay umad markii saddexaad madaxweynahooda si nabadgelyo ah ku beddelaysa, taas oo dalal badan oo soo koraya ama kuwa Afrika badankoodu aanay gaadhin, arrintaasina culayskeeda ayey leedahay oo qof waliba Berri waa madaxweyne oo madaxweynihii ayuu gacantiisa ku dhisayaa, waxana laga rabaa haybaddii madaxweyne,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

FB_IMG_1510486350573Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu taageerayaasha KULMIYE usoo jeediyey inay safafka codaynta hore u galaan maalinta codaynta, waxana umadda reer Somaliland usoo jeediyey inay KULMIYE taageeraan si horumarka meelo badan oo dalka ah laga sameeyey loosii ambo qaado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Taageerayaasha KULMIYE waxan si gaar ah ugu dardaarayaa inay aad isugu nidaamiyaan tegidda goobaha cod-bixinta oo ay tusaale u noqdaan xisbiyada kale, dhammaanna umadda Somaliland meel ay joogtaba waxan ka codsanayaa inay xisbiga KULMIYE codkooda siiyaan maanta, waayo cod-bixintu waxa ay inoo kala jeexaysaa horumar iyo dib-u-dhac, KULMIYE-na waa xisbiga waxqabashada oo la iskuma diidan, hawlaha wixii qabyo ah wuu qabyo tirayaa, barnaamijyo cusubna wuu soo bandhigay, markaa dhammaan shacbiga Somaliland waxan ka codsanayaa inay codka ugu badan siiyaan xisbiga KULMIYE.”
Isaga oo ka hadlaya waxa uu murrashax ahaan umadda u qaban doono haddii uu guulaysto waxa uu yidhi, “Murrashax ahaan haddii aad codka I siisaan waxan idiin ballan qaadayaa nabadgelyo inuu qofka muwaadinka ahi xoolihiisa, naftiisa iyo sharaftiisaba ammaan u helo, marka aynu intaas helno dadka oo dhammina waxa uu helayaa nabadgelyo. Marka aynu nabadgelyo helnona dhaqaale hore u mara iyo shaqo abuur, caafimaad, biyo iyo xannaanayn xoolo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

FB_IMG_1510486350573Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq garnaqsi ah u diray beesha caalamka, isaga oo cod dheer ku sheegay inaanay Somaliland marnaba ka hadhi doonin raacadada ay ugu jirto xuquuqda Ictiraaf ee ka maqan, waxana uu yidhi, “Beesha caalamka oo in badan tidhaahda Somaliland oo dal deggen oo dimuqraaddi ah kuma hayno wax kaalmo ah, marka laga tago ta bani’aadamnimada, laakiin qaran ahaan kama hayno karaamadii iyo sharaftii aanu ku lahayn, taasna xaq uma aragno, beesha caalamkana waxanu usoo jeedinaynaa waxanu nahay qarankaa dhisan, xuquuqdayadana ka hadhimayno Ictiraaf-raadinta ah, fagaare iyo goob walbana waanu la tegaynaa.”