Murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka Xisbiga UCID oo si wada-jir ah War-murtiyeed uga soo saaray Muranka Siyaasadeed ee ka dhashay ku-dhawaaqista GOLAHA WADA-TASHIGA

Hargeysa (SLpost)- Murashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay muran siyaasadeed ka dhashay Gole magaalada Hargeysa ay todobaadkii hore kaga dhawaaqeen siyaasiyiin miisaan weyn ku leh bulshada dhexdeeda.

Labada Murashax ayaa arrintan kaga hadlay, war-murtiyeed ay si wada-jir ah uga soo saareen magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan:

Jamaal iyo cabdirashiid“Bismilaahi Raxmaani Raxiim, Naga gudooma Hambalyada Bisha Barakaysan ee RAMADAN.

1. Waxa aannu aad uga xunnahay in toddobaadkan uu ina soo galay muran siyaasadeed oo aan loo baahnayn, Shacabku xurmo ayuu inaga mudan yahay, qarannimaduna waa wax la ilaashado oo u baahan in aad looga feejignaado wax kasta oo dhaawici kara wadajirka iyo guud ahaan amniga dalka.

2. Ummadi waxa ay wax ku noqotaa ilaalinta iyo addeecista xeerarka iyo shuruucda ay wada dhigtaan, dhowrista sharciguna waa waajib saaran, shacab, xukuumad, xisbiyo iyo golayaalba. Haddii aan taa la helinna waxaa lumaya karaamada iyo sharafta dawladnimo.

3. Xukuumadda maanta haysa talada dalka waxaa ka muuqda dhalliilo badan, hase yeeshee sixitaankeeda waxaa lagama maarmaan ah in loo maro qaab waafaqsan nidaamka inoo yaal, sida xisbiyada qaran ee mucaaradka ah oo shacabka S/Land sharciyan ugu matalaya saaxadda siyaasadda, inay si hufan oo aan gabbasho lahaynna u dhalliili karaan wixii ka qaldan xukuumadda, iyo soo jeedinta talooyinka loo arko in ay lagama maarmaan yihiin.

4. Sida aad ka war qabtaan waxa dhawaan magaalada Hargeysa ee caasimadda dalka Somaliland lagaga dhawaaqay gole ay ku midoobeen odayaal dalka sharaf iyo karaamo ku leh. Kuwaas oo xilal kala duwan u soo qabtay shacabka Somaliland. Halkaasi oo uu ka dhex muuqday guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

5. Haddaba annaga oo tixgelinayna dastuurka u dejisan dalka Somaliland, waxa uu xisbiga UCID oo ka mid ah 3-da xisbi qaran ee dalka Somaliland, halkan ka caddaynayaa in joogitaanka guddoomiyahayagu aanu ka dhignayn in Xisbiga UCID uu ka mid yahay golahaasi, bal se ay tahay fikir u gaar ah guddoomiyaha xisbiga shakhsiyan taas oo ku kooban guddoomiyaha.

6. Xisbiga UCID wuxuu ka digayaa, wax kasta oo dhalin kara muran siyaasadeed oo dib u dhac inagu keeni kara sida ururo cusub oo hor leh, iyadoo aynu ka wada dharagsan nahay dhibtii inaga soo gaadhay doorashooyinkii deegaanka walina aynaan ka soo kaban.

7. Xukuumadda talada haysa waxa aannu u sheegaynaa in aanay indhaha ka qarsan dhalliilaha habeen iyo maalinba loogu sheegayo cod dheer iyo cod gaabanba, waxaana la gudboon in ay tixgeliso talooyinka ka imanaya dadweynaha iyo Xisbiyada mucaaridka ah.

8. Waxa aannu xasuusinaynaa shacabka, xukuumadda iyo xisbiyadaba in ay waajib tahay in culayska la saaro aasaaska deggenaanshaha iyo horumarka qarannimada S/land, xukuumaddana looga baahan yahay in ay iyadu hormood ka noqoto, kana qayb geliso dadka taladda waddanka.

Ilaahay baa mahad leh, Somaliland Guul.

Jamaal Cali Xuseen                                                           C/Rashiid Xasan Mataan

Musharaxa M/Weyne ee UCID                                       Musharaxa M/W/Xigeenka UCID