Murashaxa Xisbiga WADDANI Oo Tageero Mugweyn Ka Hantiyay Degaanada Bariga Burco Ee Togdheer (SAWIRRO)

Burco (SLpost)- Murashaxa Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa socdaal la xidhiidha ololaha doorashada wuxuu ku gaalabixiyay qaybo kamid ah degaanada bari ee Gobolka Togdheer, kuwaas oo siweyn  looga muuneeyay tageerada WADDANI.
22886101_10155825928168535_8883089742578568157_nWafti uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha WADDANI ayna xubno ka yihiin, hoggaamiyaha Xisbiga Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee WADDANI , xoghayayaal  iyo masuuliyiin kale ayaa maalintii shalay gaadhay degaanada bari ee Gobolka Togdheer. Magalooyin Beer iyo degaanada laamigu marayo ayay waftigu ka bilabeen socdaalkooda.
Sidoo kale Waftiga Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminaayo Murashaxa jagada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa kamid aha goobii ay ololaha ku mareen, degaanada hoosyimada Degmooyinka Qoryaale iyo War-cimraan. Kuwaas oo dhammaantood dadweynihii ku sugnaa si xamaasadi ka muuqato ay u qaabilayeen Murashaxa iyo Waftiga WADDANI.
22886101_10155825928168535_8883089742578568157_nXiisaha rabitaan ee isbadal iyo xamaasad xoogan ayaa laga dheehanayay dadweynihii ku sugnaa goob kasta  oo uu Murashaxu istaago.
Gudaha Degamada Qoryaale ayaa kamid ahayd meelihii sida layaabka leh looga soo dhaweeyay Waftiga WADDANI. Waxaanay xubnaha waftiga oo uu Murashaxu ku lamaanyahay ay socdaal lug ah ku mareen laamiyada Magaalada Qoryaale.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI ayaa tageero mugweyn ka kasbaday badi degaanada Gobolka Togdheer.
23167716_10155825929328535_9183514379807920178_n 23032557_10155825927303535_7023774280307951323_n 22886272_10155825927233535_334751098514357565_n