Murashaxa Madaxweynanimada UCID-da Cusub Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Golaha Barlamaanka Ee Gobolka Minnesota iyo Khudbaddii Uu Madashaasi Ka Jeediyey + SAWIRRO

Minnesota (SLpost)- Musharraxa Mansabka Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa Khudbad ka Jeediyey Golaha Barlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ee Magaaladda Minneapolis.

Golahan oo ay u dhan yihiin 167-ka Senator ee uu ka kooban yahay ee ka soo kala jeeda labada Xisbi ee Dimuqraadiga (Democratic) iyo Jamhuuriga (Republican),

4444Masuuliyiintii Xisbiga UCID ee uu hor kacaayey Jamaal Cali Xuseen waxa ku casuumay Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ah ee (Republican party),ka dib ka soo qaybgalkii Xafladdii UCID ay masuuliyiinta Xisbigaasi ka soo qaybgaleen.Inkastoo markii danbe ay xataa xisbigii Democratic party ay iyaguna aad u soo dhaweeyeen markii ay UCID meesha ku arkeen iyagoo ka yara hinaasan soo dhoweynta laxaadka leh ee xisbiga Republican party.

 “Waxaa maanta marti inoo ah wefti ka socda Somaliland,oo uu hogaaminayo xisbiga mucaaridka ah ee UCID ninka u taagan jaggadda madaxweynaha doorashadda soo socota, oo magaciisa la yidhaa Jamaal Cali Xuseen, oo ah nin Maraykan wax ku bartay dhaqaalaha Jaamacadda Harvard University,oo aynu ixtiraam weyn u hayno.”Sidaa waxa yidhi gudoomiyihii barlamaanka gobolka Minnesota oo la hadlayey xildhibaanadii madasha fadhiyey.

222Dhamaan xildhibaanaddii fadhiyey intay kor u sare kaceen ay ku dhufteen sacab soconaayey qadar daqiiqado ah, iyagoo u qushuucsan wefdigaasi Somaliland ee xisbiga UCID ee uu Jamaal Cali Xuseen hogaaminayo.

Musharraxa jagada Madaxweynanimada UCID-da Cusub Jamaal Cali Xuseen ayaa  khudbad uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga waramay  taariikhda iyo maraaxilkii kala duduwana ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo halgankii shacabku u soo galeen Xorriyadooda kadib tacaddi iyo dhibaatooyin badan oo nidaamkii Kelitaliska kala kulmeen.

11Khudbaddan oo xiiso gelisay xubno ka mid ah Odayaasha golaha kuwaas oo si weyn ula dhacay taariikhda uu ka warramay Jamaal Cali Xuseen oo ay sheegeen inaanay hore xog faahfaahsan uga hayn dalka Somaliland balse hadda ay kala barteen Soomaaliya iyo Somaliland.

Md.Jamaal waxa uu uga warramay nabada iyo dimuqraadiyada ka jirta jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay uga gedisan tahay dalalka kale ee ay deriska la tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyey sida ay dimuqraadiyaddu u biyo dhigtay iyo bisaylka ay shacabkiisu ku soo doortaan cidda ay rabaan, waxaanu mudanayaasha farta ugu fiiqay in hadda uu dalka Somaliland ka taliyo Madaxweynihii afraad ee Somaliland yeelato muddadii ay madaxa banaanayd, sidoo kalena ah Madaxweynihii labaad ee Shacabka Somaliland toos u soo doortaan, kursigana ugu fadhiya kalsoonnidii codbixiyayaasha (One Man One Vote).

55Khudbadda Musharrax Jamaal ayaa jewigii xildhibaannada qiiro gelisay iyaga oo ka garaabay xaqa ay shacabka Somaliland u leeyihiin inay ka tashadaan aayahooda.

Dhinaca kale Musharraxa ayaa khudbaddaas ka dib waxa uu si gaar ah ula sheekaystay Afhayeenka Golaha ( Speaker of the house), Mr. Paul Thissen, oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga.

Waxa kale oo uu Md. Jamal Cali Xuseen la kulmay xubnaha guriga Guurtiga ee Minnesota, halkaas oo si aad ah looga soo dhaweeyay.

Waa markii ugu horeysay ee masuul ka socda Somaliland uu hadal ka hor jeediyo golahaasi oo siyaasiyiintooda xisbiga dimuqraadiga ee (Domecratic Party) uu xidhiidh hore ka dhaxeeyey masuuliyiinta Dawlada Soomaaliya.Balse imika uu Jamaal ka dhaadhiciyey qadiyadda Somaliland iyo siday ay uga duwan tahay Soomaaliya, arrintanina waxay noqotey guul u soo hoyatey Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET