Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo si Adag u cambaareeyey Tacaddiyada Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada Madaxa bannaan

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa soo saaray qoraal kooban oo uu si ba’an ugu naqdiyay hanaanka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ula dhaqmayso saxaafadda madaxabanaan, gaar ahaan Wargeyska Hubaal oo Xayiraad la saaray.

Jamaal Cali Xusseen Qoraalkiisa, waxaa uu ku tilmaamay in aanay guulaysan marnaba cadaalad daraddu, balse ay guushu had iyo goor raacdo cidda ku taagan difaacan ummadda. waxaana uu ku yidhi Qoraalkiisa sidan. “Xikmad ayaa jirtay ka soo maaxatay nin Carab ah oo ahaa dadka aragtidda dheer lahaa ee noollaa xilligii casri jaahiligga ee aanay diinta Islaamku soo gaadhin wadamadda Carabta. Ninkani wuxuu ka tegay xikmad kooban, laakiin wadata miisaan culus ilaa haddana nolosha aynu ku dabaqi karno oo aynu maalin walba aragno.

Ninkaasi wuxuu tilmaamay khataraha jira ee uu qofku iska ilaaliyo. Khataraha uu sharaxay oo dhowr ahaa, waxaan ka soo qaadanayaa labadda ugu muhiimsan ee la xidhiidha qoraalkaygan maanta maadaama ay saxaafadda khusayso. Ninkaasi xikmaawiga ahaa ayaa yidhi labadan shayba weligaa iska ilaalli:

1. Qofka wanaagsan haddaad intaad ku gardarootid la dagaalantid, isaguna wuu iska kaa celinayaa, dadkuna way soo raacayaane weligaa ruux wanaagsan ha bahdilin oo ha ku gardaroon. Maalin ay noqotaba wuu kaa aarsanayaa ee khatar iyo godob meel kuu taalla weligaa ha sameynin ayuu yidhi ninkani. Aniguna waxaaban ugu sii daray haddii aanu Ilaahayba kaaga soo horeynin oo aanu u aar gudin qofkaa aad ku gardarootay oo iyaddan ta Ilaahay xisbaata ku darso.

2. Waxa kale oo uu yidhi ninkani: Doqonka weligaa ha amaanin run buu moodayaaye. Taasina waa khatar ku iman karta bulshadda iyo adigaba. Haddaba labadaasi qodob ee halkan ku qorani waxay salka ku hayaan xaaladda maanta ka taagan Somaliland saxaafadeedda. Saxaafaddii madaxa banaaneyd ee Somaliland lagu majeeran jiray ee aynu ku faanni jirnay laba kooxood uun bay kala noqotay. Middi waa Hubaal iyo dirkeedda oo mayal adag oo guntiga dhiisha isaga dhigay diidayna in ay danta mawqifkiisa iyo guul wadaynta diidaan. Middina waa mid jeebka lagu shubtay oo gawskoodda dhaafsadday dhex-dhexaadnimaddii lagu yaqaanay saxaafadda maddaxa banaan oo u nuglaadday cago jugleeyntii ay xukuumadda Kulmiye ku haysay saxaafadda. Qaarna ay maal iyo hanti kale ku heleen guulwadayntii. Kolay dadku way wadda ogsoon yihiin waxa dalka ka dhacaya kuwa is leh waxan aad sameeynaysaan waad ku liibaanaysaana waxaan leeyahay haddaanay ciddi idinku maqnayn been baa naftiina u  sheegteene Ilaahay baa idinku maqan. Dadka aad hagardaameeyseen ka sokow; shicibka, mucaaradka iyo Ilaahayba wuu idinku maqan yahay ee laabta u sheega in aan marnaba waxan aad waddaan aanay sii socon doonin. Dad horaa waxan ku haligmay oo ay taariikhdu qortay. Haddalka badin maayee; xagay ka dhacday tan oo kalle, bal u fiirso. inta Hubaal askar dirayskii qaranka loo diro in hagardaamo loo geysto haddana iyagii dhibanaa la xidho maadaama ay daabaceen maqaal af-Ingiriisi ah oo ka waramaayey dhaliilaha xukuumadda Kulmiye oo uu qoray nin Maraykan ahaa. Dalka miyaanay cadaaladdi jirin? siddee baa warageys madax banaan inta la soo weeraro haddana layskaga xidhaa miyaaney ahayn in wixii dacwad u qabaa Wargeyska inta maxkamadda la geeyo oo dacwadooda la dhegaysto ka dibna la xidho. Haddii kuwii sharciga daryeeli lahaa ay iyagii jebiyaan miyaaney ahayn mid laga jidhiidhicoodo. Shacabka waxaanu u sheegaynaa in arrinkani laga dhiidhiyo oo aan marnaba loo dul qaadan. Waxan maanta dalka ka dhacayaa waa markii ugu horeysay ee dhacdadan oo kale ay dalka ka dhacdo ee hoos halaysugu noqdo. Saxaafadda kalena waxaan leeyahay sharaf iyo magac bulshaddiina kula dhex noolaadda Ilaahay mooyaane cid kalena ha ka baqina oo haw habranina oo daacadnimo ummadda ugu shaqeeya. Dadkaa geesi lagu yahay ee inta gawska dhaafsatay sharaftana ha u soo noqoto milgaha qofka bini aadamka ah taasaa in badan aad ku ceeshi doontaane maaha dan yar oo gaara oo madaxtooyadda kaaga xidhan inaad xadka u dhaaftaan. Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye, Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye. Tuducyo ka mida gabaygii Hadraawi ee Gudgude. Waxaanan baaq u dirayaa in xukuumadda Kulmiye dib isu xisaabiso oo saxaafaddu noqoto mid madax banaan oo Hubaal milgaheedii loo soo celiyo, jawaabo deg-deg ahna laga keeno weerarkii ku dhacay xarunteedda magaaladda Hargeysa. Waxa kale oo aan xukuumadda ugu baaqayaa in ay sii deyso dhamaan Qoraayadda u xidhan sida xaqdaradda ah ee lagaga aar goosanayo iyagoo fikradooda ka hadlaya. Weriyayaashaasi oo faro badan oo haatan xidhan. Dalku yaanu inaga noqon mid dadka hadlana la xidhayo, ka wax dilana la sii deynaayo. Ilaahay baa idin arkaaye xukun caadila ummadda u horseeda Kulmiyoow intaad talladda haysaan oo intii xukuumaddi hore sameysay haynaga burburinina. Ilaahay baa mahad leh.”

SOMALILANDPOST.NET