Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Saaka Gutay Codkiisii Doorashada Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa(SLpost)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo Marwadiisa Farduus Maxamed Rooble ba, waxay saaka si rasmi ah ay u guteen waajibkoodii codbixineed ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland. Iyaga oo ka codeeyey goobta xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.
cirro (1)Murashaxa oo intaa ka dib la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in uu shacabka Somaliland ugu baaqayo in ay si nabad-galyo ah ay ku codeeyaan isla mar ahaantaana ay ilaaliyaan amniga dalka.
cirro (2)