Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Dhaawac Lugta Ka Soo Gaadhay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylaci oo u jiifa dhaawac ka soo gaadhay dhinac Midig ee Misigta.

108a8470Dr.Cabdiraxmaan M Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii uu soo booqday Madaxweyne ku xigeenka, waxa uu ka xaal waraystay sida ay wax u soo gaadheen iyo xaalkiisa caafimaad sida uu hada yahay, waxaana uu sheegay in uu wakhti xaadirkan uu aad u fiican yahay.

Murshaxa WADDANI Dr.Cirro, ayaa Alle caafimaad sareecan ah uga baryey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Saylaci.