Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID oo masuuliyadda Weerarkii lagu rasaaseeyey Xildhibaan Qabile dusha ka Saaray Wasiirro ka tirsan xukuumadda

   Hargaeysa(Slpost) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee  UCID Jamaal Cali Xuseen oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay
in isku daygii dil ee lala beegsadday Habeenkii Salaasadda ee Todobaadkan Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida ah
Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ay ka dambeeyeen Wasiiro aanu Magacooda xusun, kuwaas oo uu Xildhibaan Qabile Sheegay sheegay inay rabeen sidii ay u khaarajin lahaayeen.

Jamaal Cali Xuseen oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxa Magaaladda Hargeysa sidda aad wadda ogsoontihiin lagu dhex
rasaaseeyey Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha  Wakiiladda iyo Xisbiga UCID , waxa ayaan-daro ah in la sheegay
dadkii Xildhibaanka Toogtay ay joogaan Guryaha Wasiiro Xukuumadda ka tirsan oo imika lagu bad-baadinayo, Runtii waa dhacdo ugub ku ah
Somaliland, waa markii u horaysay Taariikhadda Xildhibaan la soo doorto Magaaladda dhexdeedda lagu rasaaseeyo oo weliba la yidhaahdo
waxa bad-baadinaysay oo weliba far ku lahayd Xukuumadda, waana arrim amaanka Somaliland dhaawac weyn ku keenaya”

jamaal-cali-xuseen2

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo  hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Badeecadda ugu weyn ee aynu
Adduunka ka iibinayno waa Nabadda iyo Amaanka ka jira Somaliland, Muwaadin kasta oo Somaliland ah hadday tahay Xildhibaan iyo hadday
tahayba Muwaadin kale oo Shakhsi ah Dawladda ayay Masuuliyadeeda tahay inay bad-baadiso oo ay ka ilaaliso wax alaale iyo wixii
hagar-daamo ah ee loo gaysanayo  Muwaadinkaasi”

Somalilandpost.net

Hargaysa