Murashax u taagan jagada Madaxweynaha Faransiiska oo Daqiiq loogu maydhay isaga oo ku gudo jira Olole Siyaasadeed

Paris, 01 February, 2012 (SLpost)- Mid ka mid ah Murashaxiinta doorashada madaxtinimada dalka Faransiiska ayaa dhacdo fejeciso ku abuurtay kala kulmay mid ka mid ah dad khubaddiisa dhegaysanayey wakhti uu ku jiro olole siyaasadeed.

Francois Hallende oo ah Murashaxa ugu cad-cad doorashada dalkaas ayaa mar kaliya la arkay isaga oo muuqaalkiisii duleed isbeddelay ka dib markii haweenay goobta ku sugnayd ay ku daadisay wax loo maleeyey inay thay daqiiq isaga oo wakhtigaas ku sugnaa goob uu ka ololeynayey.

Haweenayda falkan samaysay oo 45 jir ah ayaa ku soo carartay masraxii uu Mr. Hallande ka khudbadaynayay waxaanay ku shubtay mudo cad isaga oo ku hor sugan shacab tiro badan oo khudbaddiisa dhegaysanyay magaalada Paris.

Mr. Hollande oo ah murashaxa hoggaaminaya doorashada sannadkan 2012 la qabanayo, markii ay dhacdadani qabtsaday waxa uu saxeexay heshiis ballan-qaadyo ah uu dadka u samaynayey.

Isla markiiba waxa haweenaydii gacanta ku dhigay goobtana ka saaray askartii ammaan ee isaga ilaalinaysay

In kasta oo markii hore uu weerarkani wax ka beddelay jewiga iyo shucuurta murashaxan, haddana waxa uu markiiba isku debberay inuu dib u soo celiyo shucuurtii farxaddu ka muuqatay ee uu dadka ku qaabilayey waxaanu halkii ka sii watay soo bandhiggii ololihiisa siyaasadeed.

Haweenayda weerarka gaysatay ayaa markii dibadda loo sii saaray ku qayblinaysay weedho ay ku muujinayso cadaalad darro balse sii may faahfaahin halka cabashadeedu ku aroorto.

Murashaxan ayaa ku horreeyey natiijooyinka aragtiyo dadka laga qaaday isaga oo xataa ka horreeya madaxweynaha haatan talada haya Nicolas Sarkozy.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net