Murashax Muuse Biixi Cabdi oo Ka Hadlay Abaaraha ka taagan Bariga iyo Shaqaaqadii Shalay Ka Dhacday Garoonka Hargaysa

Daawo”Doorashadu wakhtigeedii ayay ku qabsoomaysaa laakiin waa inaan xooga isugu gaynaa xaalada abaaraha” Muuse BiixiHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ahna Murashaxa madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay abaaraha ka taagan gobollada Bari ee dalka iyo Shaqaaqo dhaawacyo badan sababtay oo ka dhalatay kulan ka mid ah ciyaaraha gobollada dalka oo garoonka kubadda Cagta Hargeysa ku dhexmaray xulalka gobollada Hawd iyo Daad-madheedh, halkaas oo guushu ku raacday xulka gobolka Daad-madheedh.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu arrimahan kaga hadlay munaasibad ballaadhan oo Dadweynaha Bariga Hargeysa taageero ugu muujiyeen Xisbiga Kulmiye, taas oo ku qabsoontay Hotel Kaah ee magaalada Hargeysa.

HOOS KA DAAWO