Murashax Cirro oo ka warbixiyey Kulan-dhexmaray Komishanka Doorashooyinka, Baaqna u diray Shacabka iyo Taageerayaasha WADDANI

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada kulan maanta dhexmaray Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbigiisa oo wada-hadallo la xidhiidha cabasho ay hore ugu gudbiyeen oo ku saabsan qaybo ka mid ah Codadka laga dhiibtay Gobolka Maroodijeex oo ay saluug ka muujiyeen.

murashax cirroMurashax Cirro oo mar-dhawayd warbaahinta la hadlay, waxa uu ugu horeyn sheegay in xisbigoodu ka xun yahay rabshado khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay oo xalay fiidkii taageerayaasha WADDANI ka sameeyeen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, waxaanu tacsi u diray dadkii ku dhintay rabashadahaas.

HOOS KA DAAWO HADALKA MURASHAX CIRRO