Murashax Cirro oo faahfaahiyey Heshiis Dhexmaray Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Mowqifka Xisbigooda

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada wada-hadallo 24-kii saacadood ee u dambeeyey u socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ku saabsanaa tabasho la xidhiidha Codbixinta Doorashada madaxtooyada, gaar ahaan gobolka Maroodijeex.

Murashax Cirro oo uu weheliyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa warbaahinta kula hadlay Xarunta Komishanka, waxaanu sheegay inay Guddigu ka jawaabtay tabashadii ay u gudbiyeen, sidaas awgeedna ay dhinacooda ku qanceen jawaabaha Guddiga.

HOOS KA DAAWO HADALKA MURASHAX CIRRO