Murashax ay Walaalo yihiin Hoggaamiyaha ugu Awoodda Badan Adduunka oo ku guul-darraystay Doorashadii Kenya

Nairobi (SLpost)- Malik Obama oo ah nin ay xaga aabo ka walaalo yihiin madaxweynaha wadanka ugu Awoodda iyo dhaqaalaha badan  dunida ee Maraykanka Mr Barak Obama, ayaa kamid noqday ragga codadka ugu tirada yar ka helay doorashadii dhawaan ka dhacday wadanka Kenya.

Malik Obama oo 54 sanno jir ah isuna sharraxay badhasaabnimada gobolka uu ku nool yahay ee Siaya oo ku yaala Galbeedka Kenya,  ayaa helay 2792 cod oo kaliya, taas oo ka hoosaysa 140,000 codadka uu helay Murashaxa ku guulaysata guddoomiyaha gobolka Siaya.

malikMurashaxan jooga iyo jimidhka isku darsaday, wuxuu ku faanayay inuu la dhashay madaxweynaha Maraykanka oo uu tilmaamay inuu xidhiidh toos ah la leeyahay aqalka cad ee looga arrimiyo USA, isaga oo olole ku galay inay u dhib yartahay sidii uu taageero uu ku horumariyo gobolka uga helli lahaa.

“Sidee dadkaygu ugu koobnaan karaan xidhiidhka gudaha, iyagoo heli kara xidhiidhka tooska ah ee Aqalka Cad,” ayaa kamid ahaa hadaladii Malik ee wakhtigii ololaha.

Halku-dhegyada uu u isticmaalayay ololihii doorashada ayaa waxaa kamid ahaa, “Obama halkana waa joogaa, halkaasna (Maraykan) waa jooga.”.

Haseyeeshee, Malib Obama oo doorashada ku galay murashax madax-bannaan, ayaa ku eedeeyey gudigii doorashooyinka Kenya in la musuqay oo wax isdaba marin baahsani ka dhacday qaabkii tirinta codadka doorashada.

SOMALILANDPOST.NET